Ururada Hilaac Iyo Waaberi Oo Isku Biiraya Iyo Natiijada Wada Hadal Ay Yeesheen Ataash Iyo Samatar

Monday October 17, 2022 - 12:41:17
Ururada Hilaac Iyo Waaberi Oo Isku Biiraya Iyo Natiijada Wada Hadal Ay Yeesheen Ataash Iyo Samatar
Ilo-xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in is-afgarad ay gaadheen Ururrada Hillaac iyo Waaberi ee Somaliland si ay isugu biiraan balse weli qalinka laguma duugin.

Haddii heshiiskani dhammaado qodobada ka soo baxaya waxa ka mid ah in Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo hadda guddoomiyaha Ururka Hillaac uu noqon doono musharrax madaxweyne haddii ururkoodu guullaysto halka Cabdirisaaq Ataash, noqon doono guddoomiyaha Xisbiga.

Magaca ay ku midoobi doonaan ayaa la filayaa in ay islaqaataan in uu noqdo Waaberi.

Labada guddoomiye waa Ataash iyo Samater, ayaa hadda midkastaa dib ugu laabtay madaxda ururkiisa si latashiyo dheeraad ah ay uga yeeshaan qodobada hordhac ah ee laysku afgartay.

Labadan siyaasi ee Ataash iyo Samater, oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool, haddii isbahaysigoodu hirgalo, waxa suuragal ah in ay wax weyn ka beddelaan siyaasadda Somaliland gaar ahaana tan Axsaabta siyaasadda oo muddo dheer lagu dhaliilayay in beel keliya ay ka soo wadajeedaan madaxda ugu sarraysaa.

     
Loading...