Wasiirka wasaaradda cadaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa shalay la shiray hay’addaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaraddaasi.
Kulankan waxa kasoo qayb galay hay’adaha UN-ta sida UNDP, UNICEF, UNODC, UNISOM iyo IOM, waxana goobjoog ahaa agaasimaha guud wasaaradda cadaalada mudane ismaciil saleebaan bowkax Waxa uu ahaa ujeeddada kulankan dardargelinta barnaamijyada qorshaha u ah wasaaradda ee ku astaysan 100 maalmood iyo waxqabadka xukuumadda xisbiga WADDANI.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hay’adda uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay Somaliland ula shaqeeyaan, ugana taageeraan barnaamijyada lagu horumarinaayo adeegyada caddaaladeed. Wasiirku waxa uu xusay in wasaaradda ay ahmiyad u tahay dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda sida xabsiyadda iyo adeegyada kale ee caddaaladeed.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Yonis Axmed Yonis ayaa masuuliyiinta Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin kala shiray sidii barnaamijyada cadaaladeed ee ay kala shaqeeyaan wasaaradda la waafajiyo barnaamijka xisbiga muxaafidka ah ee Waddani iyo waxqabadka 100-ka maalmood ee xukuumadda.
Dhankooda masuuliyiinta Hay’adaha kala duwan ka socday ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonan wasaaradda cadaaladda, waxaanay sheegeen inay xoojinayaan wada shaqaynta wasaaradda iyo wax kasta oo looga baahan yahay inay kala shaqeeya.
Gebo’gabdii kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi degan, waxaanay labada dhinac isla qaateen in laga wada shaqeeyo horumarinta cadaaladda iyo sidii bulshadu u heli lahayd hanaan cadaaladeed oo hufan.