Maxaynu Fakhriga U Nahay? Iyo Jawaabta Mo Ibrahim "Why We Are Poor & The Answer Of Mo Ibrahim"

Tuesday October 04, 2022 - 09:26:23
hadhwanaag
W/Q: Abdirashid Mohamed Jama " Belel"


Mohamed Ibrahim oo ah maalqabeen " billionniare" reer Sudan ah haystana dhalashada UK waxa uu dhashay sannadkii 1946 kii, aqoon ahaan, waxa uu shahaadada PHD ku qaatay Electronic Engineering ka waana mulkiilaha shirkadda mobilada qacanta ee ugu wayn qaaradda Afrika.

 

Ninkani wuxuu iswaydiiyay sababta Afrika oo ah qaaradda labaad ee dunida ugu wayn, haysata kheyraad dabiiciya, ku taala bogcad istaraatiijik ah, leh dhul ku filan habboon waxsoosaarka beeraha, tirada dadkeeduna saddex meelood laba meelood ka yar yihiin kuwa,China iyo India ay hadana wali fakhriga u yihiin dadkeedu?

 

Daraasaddo adduun badani ku baxay  ka dib waxa u soo baxday in sababta u wayni tahay  fashil baahsan oo ka jira  hoggaaminta iyo dawlad wanaaga dalalka qaaradda. Maalqabeenkani wuxuu go'aansaday in uu itaalkiisa isku dayo sidii qaaradda loogu jihayn lahaa fahamka dhabta ah ee guusha qaaraddu in uu ku jiro madaxda qaaradda oo ku barraarugta sida hoggaaminta iyo hirgelinta dawlad wanaagu u beddelaan nolosha umadaha dunida.

 

Maalqabeenkani si uu arrintan u suurta galiyo waxa uu sannadkii 2006 dii  aasaasay Sanduuqa caanka noqday ee loogu yeedho "Mo Ibrahim Foundation" iyo halbeega hoggaaminta iyo maamul wanaaga Afrika "Africa Leadership and Governance Index" oo cidda ku guulaysata siiya  abaalmarinta loo yaqaan abaalmarinta shanta malyan ee doolar "5 million award".

Abaal marintan waxa qaata hoggaamiyaha Afrikaanka ah ee buuxiya shuruudahan Afarta ah ee soo  socda:-

 

1. Amaanka & ku Dhaqanka Shuruucda " Security and Rule of Law"

Marka qodobkan la joogo hoggaamiyaha waxa la eegaa sida uu dadkiisa uga horumariyay arrimaha kala ah :-

 1.1 Isku xukunka Sharciga & Cadaaladda " Rule of Law & Justice"

 1.2 Daah furnaanta iyo Isla Xisaabtanka "Accountibility & Transparency"

 1.3 La dagaalanka Musuqmaasuqa " Anti Corruption"

2. Abuurida Fursado Dhaqaale "Foundation for Economic Opportunity"

Marka qodobkan la joogo hoggaamiyaha waxa la eegaa sida uu dadkiisa uga horumariyay arrimaha kala ah :-

 2.1 Maamulka dawliga ah "Public   Administra"

 2.2 Ganacsiga "Bussiness Environment"

 2 3 Kaabayaasha " Infrastructure"

 2.4 Horumarinta Miiga "Rural Development"

3. Horumarinta Bani'aadamka " Human Development"

 

Marka qodobkan la joogo hoggaamiyaha waxa la eegaa sida uu dadkiisa uga horumariyay adeegyada kala ah :-

     3.1 Caafimaadka "Health"

     3.2 Waxbarashada " Education"

     3.3 Ilaalinta Bulshada "Social Protection"

     3.4 Waaritaanka Deegaanka " Sustainable                            Environment"

4. Ka Qayb Galka, Xuquuqaha &  u Dhammaanshaha " Participation, Rights & Inclusion

 

Marka qodobkan la joogo hoggaamiyaha waxa la eegaa sida uu dadkiisa uga horumariyay arrimaha kala ah :-

4.1 Ka qayb galka " Participation"

4.2 Xuquuqaha " Rights"

4.3 Sinnaanta iyo u dhamida "Inclusion & Equality

4.4 Arrimaha Haweenka " Woman Issues"

 

Dooda maalqabeenkani waxay ku soo ururaysaa in dib u dhaca yo fakhrigu ay ku yimaadaan hoggaan xumada, barwaaqada iyo badhaadhaha umaduhu gaadhaana ay ku xidhan tahay sida ay u helaan hoggaamiye aragti fog "Visionary Leader" kaas oo  fahamsan in qiimaha hoggaamintiisu ku xidhan yahay sida nolosha muwaadinku isu beddesho.

 

Somaliland, siyaasiyiinteena mucaarid iyo muxaafidba isku daroo ma u malaynaysaa in uu ku jiro hoggaamiye aragti dheer oo ay damqayso fakhriga, duruufaha kakan iyo nolosha adag ee dadkoodu la halgamayaan

                   Ka habsaanay dunidoo

                   Inagaw dambaynee

 mise arrinkoodu wali wuxuu taagan yahay intii AHN Abwaan Hadraawi hore inoogu sheegay ee ahayd IDAA IYO II BANEE,

      Waxa loo dig leeyahay

      Xil daryeelidiisiyo

      Dad u hiilin maahee

      Geenyada dakaankaa

      Aan dulkoro markaygoo

      Daadka aan ku dhaafee

      Iiga soo deg weeyaan.

ALLOW NAXARIISTAADA,

 Abdirashid Mohamed Jama " Belel"

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...