Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Hadlay Ficilada Ay Boolisku Kula Kaceen Shacabkii Sida Salmiga Ah U Mudaharaadayey

Friday August 12, 2022 - 11:17:21
Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Hadlay Ficilada Ay Boolisku Kula Kaceen Shacabkii Sida Salmiga Ah U Mudaharaadayey


xildhibaan Maxamed Abiib ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay ficilada ay ciidamada boolisku kula kaceen shacabkii sida salmiga ahu mudaharaadayey.

xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlaya qaabkii ay boolisku ula dhaqmeen shacabka ayaana yidhi :-

"Waxa muuqda ficillo Arxandarro ah oo kala duwan oo ka muuqda muuqaalada baraha bulshada maraya, waxase ugu layaab badnaa qof Xabbad lagu dhuftay oo Ruux dumar ahi dhiigga qabo is tidhi iyadiina laga dul tukhaantukhiyay!!!

Ma ha dhintee daa baa? Ma ha dhiig baxee daa baa? Ciidanka qaar miyayna ogayn in dadkani yahay kuwoogii oo kaliya looga baahnaa inay kaliya ka xakameeyaan qofkii ku dhex dhumanaya.

Siday wax u socdeen lama moodo Ciidan dadkiisii oo dibad baxaya xaataa ka hortagaya iskada inay ahayeen kuwo ilaalinaya Banaanbax ay isla qaateen labadii dhinac ee siyaasada isku hayay.

Dawladda waxan leenahay dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintayba waa dadkaagii ee maaha Kaafiriin kabcada laga celinayay.
Ilaa imika muuqalada muuqda marna ma arag qof shacaba oo falxun wada oo dagaalamaya ama meel xaasxaasi ah laga celinayo
Xukuumada waxan ugu baaqayaa in caqligu shaqeeyo oo dadka iyo dalka ay ka saarto dhooqada la dhex fadhiyo.

FG: Sawiradan waaku laga qaday banaan baxayasha bal eeg hada inanka calanka taagaya sida loo daadiyay iyo sida uu calankisii kor ugu hayo"

May be an image of 1 person and indoor


     
Loading...