Sheekh Aadan Siiro Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee Wuxuu lahaa sifooyin badan oo hogaamiyenimo. Waxaa ka mid ahaa;
1. Deeqsinimo kala ah mid Gacan furnaan ah iyo mid hiil uu xaqa la garab istaagi jiray.
2. Hawlkarnimo, halabuur iyo karti uu Ilaahay ku manaystay inuu ka Midho dhaliyo mashaariicda uu u tafo- xayto.
3. Kudhac iyo dhiiranaan aanu ka baqi jirin inuu xaqa iyo wanaaga ku adimo kolka loo baahdo.
4. Dal jacayl iyo dad jacayl ay qaranimaddu Ugu horeyso.
5. Nin danta Guud ka hormariya tiisa gaarka ah ayuu ahaa.
6. Samofalka danyarta
Iyo qaar kaloo badan. Nin weyn baa inaga baxay Ilaahay haw naxariisto aamiin aamiin
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!