" Ujeedo Digniin Xalada Cimilada kacsan awgeed
Og saldhiga kowaad ee Ciidanka ilaalada xeebaha Waxa uu Farayaa Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha iyo diffaca Badda JSL Admiral Ahmed hurre haariye libaax Madaama ay kacsan tahay Cimiladu in aan laga ilaaliyo dadweynaha u dalxiis imanaya xeebaha dalka siiba xeebta Batalaale inta ay Cimilada kacsan tahay
waxa ay ku amran yihiin Ciidanka ilaalada xeebaha in ay ka hawl galaan Doonyaha ciidanku goobaha lagu dabaasho si ay u ilaaliyaan Nabad galyada dadweynaha u dalxiis imanaya xeebaha JSL waxa sidoo kale la Farayaa waalidiinta Shacabka Somaliland in caruurtooda ay ka war hayaan kana ilaaliyaan khataraha ay leedahay badda marka ay kacsan tahay ".
Afhayeenka Ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaca badda JSL
Gashaanle Cabdi salaan Maxamed cabaas