Nuxurka Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Itoobiya Iyo Somaliland

Thursday July 07, 2022 - 16:09:05
Hadhwanaagtv
"dhanka kale waxa heshiiskaasi Somaliland u saxeexay wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda"

Hargaysa (HWN) Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa  kala saxeexday heshiis ka kooban afar Qodob, kaas oo salka ku haya xal u helista qiima korodhka ku yimid qaadka iyo khudaarta.


Heshiiskan oo lagu kala saxeexday caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxa dhinaca Itoobiya ku matelaayay la taliyaha dhanka abniga ee raysal wasaaraha Itoobiya, dhanka kale waxa heshiiskaasi Somaliland u saxeexay wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay kala yihiin.


1 Somaliland Itoobiya waxay aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xidhiidhkii soojireenka ahaa labada dhinac ka dhaxeeyay


2 In maanta oo bishu 7 tahay in qiimihii qaadka khudaarta qiimihii hore loo dejiyay, isla markaana ay ku noqoto sidii hore ee ay ahaan jirtay


3 In la sameeyo gudi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinkaasi oo kale sameysana daraasad six al loogu helo arrimaha noocaas oo kale ah.


4 Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in la siiwado heshiisyadii sii loo dhammeeyo kuwii xagga baayac-mushtarka, isu socodka gaadiidka iyo arrinta dekadda Berbera oo ku salaysan heshiisyo hore u dhacay, in halkaasi laga siiwado wada hadaladii.

     
Loading...