Fadeexad la soo deristay mid ka mid ah Musharraxiinta u taagan doorashada Somalia

Sunday November 07, 2021 - 09:34:34
hadhwanaagtv
Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet Iskuulka Muslim Römosse School



Dowlada Sweden ayaa dhalashadii iyo baasaboorkii kala noqotay Madaxii hore ee dugsiga Muslimiinta Sweden Cabdirisaaq Waaberi oo haatan ka mid ah ah musharaxiinta Madaxweynaha Somalia iyo golaha shacabka, ahna Guddoomiyaha xisbiga Midnimo Qaran ee uu horey u hogaamin jiray C/raxmaan baadiyow.


CabdirisaaqWaaberi ayaa lagu eedeeyay inuu malaayiin karoon Swedish ah uu musuq maasuqay, lacagtaasoo lagu maalgaliyay ururo siyaasiyeed iyo kuwa Islaamiyiin ah oo ka jira gudaha Soomaaliya.


Cabdirisaaq ayaa horay u ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Sweden iyo madaxii Iskuulka Muslim Römosse School ee magaalada Göteborg ayaa lagu helay inuu lunsaday lacag dhan 13 milyan oo karoon Swedish ah oo u dhiganta hal milyan iyo bar dollarka Maraykanka.


Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet Iskuulka Muslim Römosse School ee magaalada Göteborg ayaa haatan albaabada loo laabay maadaama la lunsaday lacagihii keydka ahaa ee loogu talo galay in iskuulkaas lagu horumariyo.


Dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Cabdirisaaq Waaberi oo baaritaano lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu lacag caddaan ah u shubay dad kala duwan oo Soomaaliya jooga.


Cabdirisaaq Waaberi ayaa beeniyey inuu lacagtaas lunsaday, wuxuuna eedeymahan ku tilmaamay kuwo ay gadaal ka riixayaan dad dano gaar ah leh.

     
Loading...