"Lacag gaadhaysa $2.5 million Dollar, ayaa ku dhacda Jeebka dad Gaar ah, kuwii soo saarayna way ka mushahar la' yihiin" Xisbiga Waddani

Thursday August 19, 2021 - 17:23:40
"Lacag gaadhaysa $2.5 million Dollar, ayaa ku dhacda Jeebka dad Gaar ah, kuwii soo saarayna way ka mushahar la' yihiin" Xisbiga Waddani



Lacag Gaadhaysa Laba Milyan iyo Badh Dollar oo su'aali ka taagan tahay halka ay ku dhacdo.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo bandhigay lacag ka badan laba milyan oo doollar oo ay sheegeen in ay ku dhacdo jeebab dad gaar ah, halka kuwii shaqaynayey ee lacagtaasi soo saarayeyna ay ka mushahar la'yihiin bishan dhammaadka ku sii dhow.

Lacagtan, ayaa Xisbiga Waddani sheegay in ay ka soo xarooto Mishiinka Shaybaadhka cudurka COVID19, ee yaalla Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay khasab tahay in qofkasta oo dhoofayaa inuu iska sii baadho, iyada oo sannadkii uu shaqaynayey lagu qiyaasay dad ka badan 60 kun in ay iska baadheen.

Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme oo arrintan ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi "Mishiinka COVID-19 ee yaal cusbitaalka guud waxa lagu baadhay illaa hadda 60,570 qof waxa laga qaada qofka $45 maalintii waxa la baadhaa 250 illaa 300 oo qof, sannadkaa uu shaqaynaayay waxa laga sameeyay $2.5 million, qalabka lagaga shaqeeyo waa deeq, shaqaalaha ka hawlgaa mushahar bishaan dhammadka ah may qaadan, lacagta intaa leeg waxay ku dhacdaa jeeb gaara"

May be an image of 1 person

     
Loading...