Xisbiga Kulmiye Oo Cagta Saaray Waddadii Uu Ku Burburay Xisbigi Udub Iyo Walaaca Laga Qabo Mudo Kordhinta Muuse Biixi Qorshaysanayo

Thursday August 19, 2021 - 11:29:43
Xisbiga Kulmiye Oo Cagta Saaray Waddadii Uu Ku Burburay Xisbigi Udub Iyo Walaaca Laga Qabo Mudo Kordhinta Muuse Biixi Qorshaysanayo


Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu aqbalayn in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyadda Somaliland,waxaanu qorshahaas ku tilmaamay mid Xukuumadda KULMIYE ay qorshaynayso,kaas oo la shir yimi Afhayeenka KULMIYE oo dhawaan ka sheegay maddal uu ka qayb-galay in doorashada Madaxtooyadda dib loo dhigayo.

Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cali Bilaal oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in aanay aqbalay marnaba in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyadda"Waxa jirtay in Afhayeenka Xisbiga KULMIYE oo maddal uu ka sheegay oo uu yidhi doorashadii Madaxweynaha dib ayaa loo dhigay oo la qaban maayo ,taas oo ah wax lala yaabo,Afhayeenku iskama uu odhan,lakiin waa wax uu ogyahay waana xantii Madaxtooyadda taalay .” Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cali Bilaal. Waxa uu intaas ku sii daray " Markaa haddii aynu nahay Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee isbahaysiga ah ma yeellayno in doorashada habeen dib loo dhigo,waxa ugu soo horeynaysa doorashada guurtida,dib-na loo dhigi maayo wax dambe” Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cali Bilaal.

Dhanka kalene Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cali Bilaal ayaa ugu baaqay haweenka reer Somaliland inay isku diyaariyaan inay ka qayb-qataan doorashada shir guddoonka iyo Golaha Wakiillada "Waxa aan haween weynaha leeyahay ka soo qayb-gala doorashada guurtida oo isa soo sharraxa oday dambe oo meel fadhiya lama oggola waa in aad qaybtiina ka qaadataan oo isa soo sharraxdaan oo hadda geysataan,dib-na loo dhigi maayo wax dambe.”Ayuu yidhi

Geesta kalene Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cali Bilaal ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE uu cagta saaray jidkii uu ku burburay Xisbigii UDUB "Mar Haddii ay Xisbiga KULMIYE ku habsatay guuldarradii ugu weynayd dawladdii hoose Maayaraddii iyo shir guddoonkii ,Xisbiga KULMIYE,halkii UDUB oo kale ayuu sii socdaa.”Ayuu yidhi

 


     
Loading...