Reer Galbeedu Waxay U Dhaqmayaan Sidii Boqortooyooyin Gaboobay Waxaanay Ku Guuldarraysteen Inay Ka Caawiyaan Dalalka Soo Koraya Inay Lugahooda Ku Istaagaan
Maqaal uu qoray dhaqaale yahan
reer Ingiriis ah oo magiciisa la yidhaahdo Benny Dembitzer isaga oo ka falcelinayay dood ay bilawday warbaahinta
GUARDIAN oo lagu falanqaynayay (caawimo dhaqaale oo gaadhaysa 4bilyan oo
lacagta ingiriiska ah lana siin jiray dalalka soo koraya taas oo ay joojisay
dawladda hadda dalkaasi ka talisaa) dooddaasi oo maalmihii udanbeeyay socotay
ayaa BENNY waxa uu saluug ka muujiyay caawimada dhaqaale ee aan horumarku la
socon ee la siiyo dalalka soo koraya iyo sida aanay uga caawinayn dadyawgaasi
inay lugahooda isku taagaan kana maarmaan gargaar dibadeed.
Waxa uu yidhi.
Wax horumar ah oo la taaban karo ah ma ayannaan samayn oo
dadka saboolka ah ka caawin kara inay cagahooda isku taagaan. Waxa aynu siinnaa
caawimo dhaqaale balse kama aynnaan fikirin inay samaystaan wax iyaga u gaar ah
oo ay ku noolaadaan. Umaynnaan tababarin inay horumariyaan beerahooda si ay ugala
soo baxaan dalagga ay u baahan yihiin, dumarka ma aynnaan barin inay wax beeran
karaan, ma ayannaan barin sida shinnida(siidhka) loo badiyo, umana aynnaan
samayn Jaamacado iyo Kolleejyo lagu barto cilmiga beeraha.
Waxaynu awooddeenna isugu gaynnay sidii ay hay’adda cuntada adduunka ee WFP ay cunta uga iibsan lahayd dalalka cuntada dheeraadka ah beertay si ay lacgtaa ugu kabaan beeralaydooda. Hay’addan oo heshay billadda nabadda adduuna ee NOBEL PEAC PRIZE reer galbeedka oo dhammina qayb ka yihiin ayaa saamayn ku leh dhibaatadan
Waxa aynu ku qasabnay waddammada
ku jira uruka ganacsiga adduuna (World Trade Organization) inay suuqyadooda u
furaan siidhka ma-dhalayska ah ee ay soo saareen shirkadaha Kiimikada sameeya
ee adduunku. Waxaynu meesha ka saarnay xaqa ay u leeyihiin inay samaystaan
hay’ado u gaar ah innaga oo adeegsanaynna xeerar aynu dajinnay. Taa baddalkeeda
waxay xoojinnay hay’adaha waaweyn oo dhammaantood -u dhaqamaya sidii
Imbaraadooriyado gaboobay- si aynu u dabbaqno xeerarkeena reer galbeedka. Fadlan
Joojiya mannaxaannimada iyo Munaafaqadda.
Benny Dembitzer
Waa dhaqaale yahan British ah oo ku takhsusay dhaqaalaha horumarinta dalalka soo koraya, gaar ahaan qaaradda Afrika.
W/T : C/raxmaan Hayaan
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!