Ex Madaxweyne Sheekh Shariif Iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May Ee 30 Guurada Somaliland
Muqdisho(HWN):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay xuska sodon guurada somaliland ee 18-ka May.
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Sheekh Shariif ayaa fariin uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xuska 18-ka ee maanta looga dabaal dagay Somaliland, waxaanu ku yidhi fariintiisa:-
"Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen.
Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan.
Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa."
sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xuska sodon guurada somaliland e 18-ka May waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray:-
"Waxaan shacabka iyo hoggaanka Somaliland ugu hambalyeynayaa nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee ay gaareen. Koonfur hadaan nahay waxaan jecelnahay midnimo, walaalaheena waxay qabaan in ay midowgii ku qasaareen. Doodu waxay tahay tagtadii ma ka xisaabtanaa si loo helo midnimadu qiimo ku kacda, taxidayada mustaqbalka uga tilaabsano, mise waynu u dabranaanaa oo fursadahaan ka luminaa faca danbe. Dood hufan oo Isqancin, garawshiyo leh ayaa lagama maarmaan ah, sababtoo ah marinka midnimadu waa Haragaysa, kan madaxbanaanidana waa Muqdisho."