Wasiir Toorno maxaan u haystaa ''...W/Q Axmed Nuur Guruje
Wasiirka wasaaradda waxbarashaddu waa wasiirka qudha ee Baha-garxajis ama Ciida-galawayne ugu jira golaha wasiiradda ee Somaliland , abtirsiimo iyo od-wadaagna isaga ayaa wasiir iigu ah .
Intaa waxaa dheer Wasiirka waanu isa sii nahayoo xitaa magta culus iyo arrimaha adagi markay yimaadaan xanaano gooniya iyo xeer hoosaad baanu u leenahay .
Sidaas oo ay tahay wasaaradda waxbarashadda oo uu joogey wasiir ku xigeen uu adeer u yahay waxay samaysay 3 Dugsi oo la siiyo kab sadexdana waxay ka dhigtay sadex dugsi oo Gaaroodi Galbeed ah hal Dugsina lagagama darin Gaaroodi Barri oo isla xaafada dhankeeda kale uuna .
Wasiir ku xigeenku dhalinyaruu ahaa , Odayga dambe ayaa sixi baa la is lahaa , Wasiir Axmedna markuu yimi si wacan buu yeelayoo safar buu ku kla bixiiyey deegaanka ilaa xuduuda , xaaladda waxbarasho ee deegamadaa Bariga iyo koonfur barina wuu soo arkay .
Si ay noqotayba , Saba-wanaag 31 Dugsi ee la dhisayo hal dugsi ayaa qorshaha lagaga daray kiina wuxuu noqday Tuule Ciidagale deggo oo ah tuulaha Ismaaciil Yoonis , Cadaadleyna wuxuu lagaga daray hal tuule oo ah Tuule ay degto Beesha Arab oo ah tuuladda Weeraarta .
Sidaa markay tahay , 31 Dugsi oo uu qaybinayay wasiirkaygu in xaafaddu ka qado way nagu adkaatay , dee kaftana ha noqotee Wasiir Abokor Muuse ah oo waliba Bah Isaxaaqa ayaa Isaxaaq Carre oo dhan arki waayayna waxay sii noqotay yaab kale .
Yeelkeedde wasaaradaha kaleba waxba nooma qabtaane , Wasiir Ahmed waa wasiirkaygiiyoo isagga filan-waa iyo kalgacal uun baan u haysataa maxaa yeelay Golaha Wasiiradda wasiir ka igu mataalaa waa isagga .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!