Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Xeer Ka Soo Noqday Golaha Guurtidda
Hargeisa(HWN):-Golaha wakiillada Somaliland, ayaa ansixiyay wax-ka-baddelka iyo kaabista xeerka maandooriyaha oo ka soo noqday golaha guurtida.
Wax-ka-baddel iyo kaabis ay Sameeyeen,isla markaana Qoddob qoddob loogu coddeeyay, guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa xoghayaha ka codsaday inuu is raaciyo dhammaan Qoddobada xeerka si loogu coddeeyo.
Golaha oo ay ka soo xaadireen 43-mudane, waxaa u ogolaaday 38-cod, waxaa ka aamusay 4-qof, cid diiday may jirin, guddoomiyuhuna ma codeyn sidaasi ayuu ku Ansaxay.