Dawladaan Dad Lahayniyo, Dadaan Dawlad Lahayn, Keebaad Dooran Lahayd

Sunday November 08, 2020 - 10:15:08
Hadhwanaagtv
W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM{A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHN BAHDA H/W AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-Dawladaan dad lahayn,Dadaan dawlad lahayn,

   Dukaan yaal agtaadan,Deynina anay ku raacin,

   Dunidii ku tidhaado,Dooro kaad moodo dantaa,

   Deeqahaa lagu siiyey,koode baad dalban lahayd.

 

2-Adigon meel fog ka doonin,Maskaxdadana daalin,

   Deriskaagiyo kaagagan,Dockasta goortad ka eegto,

   Dameeriyo danka ku yaal,wax isdoorsha ma leeyay,

   Debnahiinan waxa dhaafsan,Daayin maa baridaan.

 

3-Dulimidoo umadiinana,Dunuubaa ka gasheenaan,

   Duulcimrigeed hadhahayn,Dushiina saran waqeed,

   Dilaacan waaga salaadii,Diigiina uu ku dhawaaqay,

   Diiwaankawgu jirtaano,Danbarka waydun ka maali.

 

4-Doqontaan warba hayno,Dumisteeduun sugaysoon,

   Daamankuun melmelayso,Qiiqana aan ka durkayn,

   Duhur mooda habeeno,Daadkoo soo rogmanaayana,

   Dooxa seexan dhexdiiso,Doolar weeye rasaastu.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...