"Labada Beelood Ee Habarjeclo Iyo Garxajis Haka Shiraan Xaqiiqada Dhextaala Oo Munaafaqnimada Hayska Daayaan"…Siyaasi Jaamac Shabeel.

Tuesday March 17, 2020 - 13:43:07
"Labada Beelood Ee Habarjeclo Iyo Garxajis Haka Shiraan Xaqiiqada Dhextaala Oo Munaafaqnimada Hayska Daayaan"…Siyaasi Jaamac Shabeel.


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) ayaa ka hadlay shirka labada beelood ee Habarjeclo iyo Garxajis uga socda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.


Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa soo bandhigay waxyaabaha dhexyaala labadan beelood ee sababay inay wada shiraan, isaga oo ergooyinka ka qayb galayana u soo jeediyey inay xaqiiqada ka hadlaan.


Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka hadlaya shirkan labada beelood ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Labada beelood waxa dhexyaala waa siyaasad, hadii aan siyaasada laga heshiina waa been wixii kale ee la yidhaa waa lagu heshiiyey, ninka yidhaahda waanu heshiinay oo siyaasad kamaanu heshiin ilaahay iyo umadiisaba been ayuu u sheegay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa milil dushii lama dhayo, nabarkana hadii aan la xoqin ma bogsado waana in xaqiiqda lagu wada noolaadaa oo runta ay ku wada hadlaan labada beelood, shirkuna waa bilaw laakiin qaabkan ay u wada hadlayeen ee dhaqanka ah ee hadalka duulmarka ah ee hawada maraya lagu sheekaynayo waa bilaa macne oo wanaag iyo walaaltinimo ka dhalan mayso waayo munaafaqad ayaa ku jirta, meeshana hadii ay munaafaqadi soo gasho khayr ma yaalo, xaqiiqda iyo runta ayaa lagu wada hadlaa oo ilaahayna jecel yahay.”

Image result for jaamac shabeel

Siyaasi Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan leeyahay ha lug goynina dadka munaafaqad waxba laguma soo saaree, shirkuna waa dhaqan oo siyaasad maaha waa sheeko munaafaqnimo ah ee ka daaya ayaan idin leeyahay, munaafaqnimadana ilaahay ayaa inoo sheegay ee runta iyo xaqiiqada ka hadla taas ayaa umada lagu dhaqaa oo been laguma dhaqee.”


Sidoo kale waxa uu ka hadlay waxyaabaha sababay shirkan ee dhexyaalay labada beelood "Waa siyaasad waxa labada reer dhexyaalay ee loo baahan yahay in laga bogsiiyaa, waa siyaasad waxa loo baahan yahay in laga wada hadlaa, xaqiiqadana ku soo dhawaada ayaan leeyahay.”ayuu yidhi Siyaasi Jaamac Shabeel oo u waramay Sahantv.

     
Loading...