Maansada Macalinkeen Allow Kaal

0
Saturday January 04, 2020 - 15:30:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3639
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Maansada Macalinkeen Allow Kaal

    Maansadani waxay qiimo leh uga waramaysaa qiimaha macalinku ku leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadani waxay qiimo leh uga waramaysaa qiimaha macalinku ku leeyahay
bulsho weynta aduunka iyo kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka ciyaaro bulsho horumarkeeda iyo hiigsigeeda nololeed.



Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) waxaanu si mug iyo miisaan leh inoogu soo tebinayaa sidu macalinku u yahay halbeega nolosha wacan, sidoo kalena dunida islaamka iyo kuwa gaaladuba ay u qiimeeyaan.


Macalinku waa furaha nolosha kaas oo dadka u iftiimiyaha aayaha nololeed sidoo kalena waa tilmaamaha ama horgalaha bulsho meel degan.


Hadaba isagoo qiimaha macalinka inoo soo tebinaya wuxu yidhi :

vMadaxa dalka hooyiyo

vMudankiyo umadeeniyo

vMu’miniinta bulshadeeniyo

vMuftigii diinta sidoow

vMaansadu waa dhiniciinee

vMaqla waanadan maanta.

vIlaahii maalig ahaayoow

vMacbuudka na uumayoow

vAllahaan magantiisa nahayow

vAdigaan kuu maganahee

vMuraadkiisa meel mari

vMacalinkeena sharafta leh

vMuu’min iyo gaaliyo

vMuslim waa yaqaanaa

vMaan lagu hanuuniyo

vMasalooyin kala dhigan

vMarin lagu hagaagiyo

vMidho iyo hoobaan

vMalabkiisa doorka ah

vIyo inu yahay muqadinkii

vMadax ugu sareeyee

vMaamuus ugu mudnaa iyo

vManhajkiisa gaarka ah

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal.

vMacalinoow adigaa mudnaadoo

vMaankiyo qalbigaba dega

vMeel-walbana u dhoofsha

vSharcigaaga maraga ah

vAdigaa magacaagiyo

vMurtidaadu madhanoo

vMilyan hadaad maqan tahay

vMaqalkaagu joogaa

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal

vAdigaa moogane barbaarshoo

vMaareeya dunidoo

vMuruqa iyo xoogaba

vMaskaxdoodii baa tee

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal

vAdigaa murti iyo aqoon

vMadax iyo hogaan iyo

vSheekh mufti la raaciyo

vDhakhtarkii la majeertiyo

vMihnad lagu shaqaystiyo

vSoo saara mudankiyo

vMabda’ooda gaarka ah

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal

vMaskaxdii wacnaydoow

vMacneeyaha aduunkoow

vMuranli’ la raacyoow

vMaati daadihiyoow

vMajaraha aduunkoow

vMahadhada kii reeboow

vMaqaamyada awliyaad

vMuqadinkoodiiyoow

vMaxamed iyo shacayboow

vMuuse iyo nuuxoow

vAnbiyadii mudnaydee

vDuunyadu u muhatoow

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal

vIntaanad meel ka dhicin

vIntaan magacaagu guban

vIntaan sharaftaadu madhan

vIntaad tahay ruux macno leh

vInaad maamuustaan bare

vMilgihiisa dhowrtaan

vMidhkaasaan doonayaa

vMacalinkeen alloow kaal

vMacalinkiis allow kaal

vMid kale alloow kaal

 


Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

 

[email protected]    Ama    0634240189

Loading...
Loading...