11 Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Wayn Oo Muqdisho Ka Dhacay

0
Thursday March 28, 2019 - 14:33:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Wayn Oo Muqdisho Ka Dhacay

    Qarax ka dhacay waddada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen 11 ruux kuna dhaawacmeen 16 kale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ka dhacay waddada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen 11 ruux kuna dhaawacmeen 16 kale,

sida ay BBC-da u sheegeen gawaarida gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambalaas.

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa la dhigay inta u dhaxaysa Isgoysyada dabka iyo Sayidka.

Dad goob joog ah ayaa BBC-da u sheegay in ay indhahooda ku arkeen maydad iyo dhaawacyo.

Ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha dhabta, waxaana laga cabsi qabaa in ay intan ka sii badato.

Dukaamada, makhaayadaha iyo ganacsiyada ayaa furnaa dad ayaana waddada marayay marka uu qaraxu dhacay.

Ururka Al shabaab ayaa sare u qaaday qaraxyada ay ka gaystaan Muqdisho inkastoo ay xiran yihiin in badan oo ka mid ah waddooyinka magaalada.




Sources: BBC.

Loading...
Loading...