Somaliland Oo Shaacisay Guddi Culimo Ah Oo Loo Magacaabay La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga Ah

0
Friday January 03, 2020 - 19:23:06 in News by
  • Visits: 1866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Shaacisay Guddi Culimo Ah Oo Loo Magacaabay La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga Ah

    Somaliland Oo Shaacisay Guddi Culimo Ah Oo Loo Magacaabay La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Shaacisay Guddi Culimo Ah Oo Loo Magacaabay La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga Ah


Hargeysa(HWN):-Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shaaciyey guddi culimo ah oo la dagaalamaysa gudniinka fircooniga ah.


Wasiir Khaliil oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa hay’addaha dawlada ugu baaqay inay la shaqeeyaan guddidan isla markaana ay sharciga waafajiyaan shaqooyinka ay qabanayaan.

Natiijada sawirka wasiir khaliil


Wasiir Khaliil oo ka hadlaya qorshaha uga yaala la dagaalanka gudniinka fircooniga ah ayaa waxa uu yidhi "Aniga oo ku hadlaya magaca Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaa naga go’an la-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah iyo inaannu la shaqayno dhammaan qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya arrinkan. Wasaarad ahaan waxaannu soo saarnay Fadwo la xidhiidha arrinkan, waxaanannu ku dedaali doonnaa inaannu hirgelinno aragtida lagu badbaadinayo Dumarkeenna iyo in la ilaaliyo sharafta iyo karaamada ay innu leeyihiin Muslim ahaan iyo qaran ahaanba sida ay Diinteennu innagu waajibisay.”


Sidoo kale Wasiir Khaliil waxa uu ka hadlay guddida culimada ah ee uu magacaabay waxaanu yidhi "Guddigan Culimada ah ee Sagaalka xubnood ahi, waxay nagala shaqayn doonaan ka fikirka iyo istaraatijiyadda lagaga guuri lahaa hawshan gudniinka oo sunnihiina la fahmi waayey, Fircooniguna magiciisuu raacoo waa shuqul shaydaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.


"Waxa aan la wada-soconnaa inay dalka ka socdaan dedaallo badan oo muddo dheer jiray oo dhinacyo kala duwan ah kuwaas oo u baahan in la mideeyo, si isku mid ahna looga wada-shaqeeyo arrinkan.Laga bilaabo hadda, waxaanu ku dedaali doonnaa inaan mideyno aragtida ku aaddan iyo in culimadu si toos ah uga qayb-qaataan la-dagaalanka dhibaatooyinka uu keeno Gudniinkani,” ayuu yidhi Wasiirka Diintu.


Waxaanu Wasiir Khaliil intaas ku ladhay; "Wasiir ahaan waxaan halkan kaga dhawaaqayaa Guddi culimo ah oo ah sagaal xubnood, kuwaas oo noqon doonaa Guddiga rasmiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Gudniinka Fircooniga ah. Guddigani waxay si toos ah u hoos iman doontaa Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxaanay si rasmi ah ugu shaqayn doonaan istaraatajiyadda ka-talinta arrimaha la xidhiidha Gudniinka Dumarka oo u baahan in la waafajiyo Shareecada Islaamka.”


"Waxaan farriin ugu dirayaa cid kasta oo ka shaqaysa arrinkan hadday yihiin hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah iyo Wasaaradaha dowladdaba inay la shaqeeyaan Guddigan. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in dhammaan shuruucda iyo Mashaariicda iyo wax-qabadyada la xidhiidha arrinkan la waafajiyo shaqooyinka guddigan aan u xil-saaray oo aan sina shareecada uga maarmaynin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.


Guddida culimada ah ee Wasiir Khaliil magacaabay ayaa kala ah.


Sheekh Maxamed Cali Biixi oo Sanaag iyo Hargeysa deggan

Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani) oo Togdheer iyo Maroodi-jeex deggan

Sheekh Siciid Xuseen Diirye – Gobolka Maroodi-jeex

Sheekh Maxamed Macallin Aadan – Wasaaradda Diinta (Maroodi-jeex)

Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf Gobolka Saaxil

Sheekh Xaamud Nadiif Axmed Gobolka Awdal

Sheekh Cabdicasiis Xasan Faarax Iskuul

Sheekh Cabdillaahi Ibraahin Yuusuf Maroodi-jeex

Sheekh Cali Cabdillaahi Cilmi Maroodi-jeex.”

Loading...
Loading...