Qormo Daaha Ka Qaaday Madmadowyo Hadheeyey Maamulka Wasaarada Waxbarashada Somaliland

0
Friday January 03, 2020 - 19:07:11 in News by
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Daaha Ka Qaaday Madmadowyo Hadheeyey Maamulka Wasaarada Waxbarashada Somaliland

    Qormo Daaha Ka Qaaday Madmadowyo Hadheeyey Maamulka Wasaarada Waxbarashada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormo Daaha Ka Qaaday Madmadowyo Hadheeyey Maamulka Wasaarada Waxbarashada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Qoraaga Axmed Xiis Dharbaan ayaa soo bandhigay saadaal uu sameeyey sanadkan bilawga ah 2020.

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting


Qoraa Axmed Xiis Dharbaan ayaa arimaha uu somaliland ka xusay waxa ugu mudan musuq maasuqa hadheeyey wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee somaliland oo haatan maraya heer aad u sareeya.


Warbixinta Axmed Xiis Dharbaan oo dhinacyo taabanaysa ayaa u dhignayd sidan:-


Doorashada USA


Gerald Celente, waxa aan la wadaagaa aragtida odhanaysa "Pelosi iyo Dimuqraadigu, waxa ay dagaal ugu jiraan, sidii uu Trump mar labaad ugu soo noqon lahaa guriga cad". Celente wuxu yidhi: Insaanku waxa ay leeyihiin hab-fikir ay ka siman yihiin. Xisbiga Dimuqraadiguna ma hilmaansana habkaas. Waxa weeyi "mar haddii muran ka taaganyahay Biden ayaa la baadhay hanti uu ku leeyahay Ukraine, waa mar kasta oo codbiyayaashu ay u yacaan dhanka Trump waayo, Biden waxa loo arkayaa nin khabaynaynaya xaraan IWM".


Lacagta


Isbedelka xawaaraha ku socdaa, waxa weeye lacagta ama walxaha qiimaha leh ee lagu kala gato badeecadda. Qarnigan waxa la saadalinayaa in Dollarku uu ka baxayo kaalintii uu ku lahaa ganacsiga dunnida mase sahlana, degdegna maaha hayeeshee, waxa aan indhaha laga qarsan karin qiimaha kobcaya ee dahabku ku leeyahay isku bedelka badeecadaha caalamka.


Waxa jira waddan waliba in uu samaystay tiraba dhawr noodh oo lacag ah, kuwaa oo ka shaqeeya dalka gudihiisa, sida: France oo hada ay dalkiisa ka shaqayso 40meeyo noodh oo kala duwan. Noodhadhkaas ayaadan qaar ku iibsan karin maandooriye, qaar baadan xawili karin, kuwo kale ayaa dawlada wax lagaga iibsadaa.


Somalia


Xawaaraha ugu badan wuxuu ku socda tayaynta shaqaalaha dawladda. Lacag malaayiin ah, ayaa la galinayaa sidii kor loogu qaadi lahaa kartida shaqaalaha kala duwan ee dawladda Somalia. Asluubta Diplomaasiyiinta waxaaba la wareegay mac'xad laga leeyahay Sweden.


Shaqaalaha dawladda Somalia, ciidamada iyo deeqaha waxbarashada ee ay bixiso dawladda Somalia, dadka sida wayn ugu dhex muuqda, waxa kaalmaha hore kaga jira Somaliland.


Dhanka doorashada la filayo in ay ka qabsoonto Muqdisho, waxa la saadalinayaa kororsiimo. Haddii la kordhiyo iyo haddii kalabana, waxa ugu cadcad dadka tartamaya: Abdikariin Xusseen Guleed - Pause.


Geeska Afrika, haddii Abiy Axmed uu ka gacan sareeyo kacdoonka Abyssinia, waa suuragal Geesku in uu isku wada furmo. Geeska illaa Barriga Afrika oo markaa ay isku noqdaan hal gobol sida EU.


Togdheer


Gobolka aan kasoo jeedo, wali waxa uu kusii jiri doonaa dulmiga xadhkaha goostay ee kaga imanaya Hargaysa. Gobolka ayaa ka qada mashaaricda horumarineed ee kor loogu qaadayo horumarka Somaliland.


Sanadka soo socda, waxa la filayaa Gabiley in ay nasiib u hesho Maktamadii sadexaad ee ay yeelato Somaliland, taas oo labadii hore laga fuliyey Hargaysa iyo Berbera. Dugsigii labaad ee Farsamada gacanta aya isna sanadkan dhalanaya la filayaa in laga hirgaliyo Berbera, halkii kii hore laga furay Hargaysa.


Waxbarashada Somaliland


Sanadihii ugu dambeeyey waxa Wasaaradda Tacliinta u gacan geleyey malaayiin doolar oo ka kala imanayey misaaniyadda Simaliland iyo haayadaha deeqda bixiya. Waxa aan ka xusi karaa:


Education cannot Wait oo Somaliland ugu talo gashay $22M, afar sano ayuu soconayaa mashruucaasi.


Global Partnership for Education oo ugu deeqday 18 Malyuun oo doolar. Afar sano ayuu soconayaa

Horumarinta Cilmiga oo Midawga Yurub ugu deeqay 15 Malyuun oo dollar - waa wajigii sadexaad.

GIZ oo u qorshaysay in lagu kiciyo dugsiyada farsamada gacanta 13 malyuun oo doolar.


Kulliyadda macalimiinta ayaan ka qatanayn deeqaha haayadaha. Tacliinta hablaha ayaa iyana wadata luflufkeeda Intaa waxa dheer, miisaaniyadda qaranka oo loogu daray 32 malyuun oo doolar iyo taakulaynta GPLJ oo iyana ku daraysa tacliinta malaayiin doolar.


Waxaas oo Aduun ah, waxa ka fajacay sida loo maamulo Hanti-dhawrka guud oo illaa hadda, muddo 8 bilood ah ku dhex jiray Wasaaradda Tacliinta.


Arinka qosolka leh waxa weeye, malaayiinka doolar oo xooggoogu galo galbeedka Somaliland, waxa hadana dhacday in aan TV-ga ka daawaday maalin dhawayd, qiimayn lagu sameeyey "awood aqriska dugsiyada hoose ee Somaliland". Waxa kaalinta koobaad galay Sool halka, kaalinta ugu hoosaysa ay isku qabsadeen Saaxiil iyo Awdal. Maroodi Jeex-na buundo aan badnayn, ka kor maray Saaxil iyo Awdal. Dadka waxa ka dhexeeya marka aad u qarisid deegaanka ubadkaagu joogo, ogow qalbi madoobaad uun baad u qarisay caruurtaada. Togdheer ayaa kaalinta labaad ka galay "awooda aqrista dugsiyada hoose".


Wasiirka cusub ee tacliinta rajo ayaan ku qabaa in uu si wacan u maamuli doono dhaqaalaha loogu talogalay mustaqbalka caruurta Somaliland. Waxaa se aan filayaa Muuse in anuu dayn doonin wasiirka!


Aniga


Kadib in muddo ah oo ana bartan kula wadaagayey afkaartayda iyo faaqidaada dhacdooyinka caalamka, waxa macquul ah 10ka sano ee soo socda, haddi Rabi idmaayo in aan ku yaraan doono baraha bulshada.


Waxa aan mar walba la jiraa


Cilmiga


Sinnaanta


Horusocodka

Loading...
Loading...