Beesha Barriga Burco siddee-bay u arkaan Jabhaddii Caarre Ee La Qarammeeyay?

0
Friday January 03, 2020 - 18:42:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Barriga Burco siddee-bay u arkaan Jabhaddii Caarre Ee La Qarammeeyay?

    Beesha Barriga Burco siddee-bay u arkaan Jabhaddii Caarre Ee La Qarammeeyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Barriga Burco siddee-bay u arkaan Jabhaddii Caarre Ee La Qarammeeyay?
Hargeisa(HWN):-Beesha uu ka soo jeeddo Wasiirka Daakhiliga Somaliland Kornayl Maxamed Kaahin Ahmed oo ilaa markii la aasaasay si wayn oo muuqata uga soo horjeedday Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Jaamac Caarre, isla markaanna Warbaahinta kala duwan u marrin jirey haddalo xanaf leh, ayaa hadda waxa muuqata oo si habsami leh u socda heshiiskii lala galay Kornayl Caarre oo dalka dibaddiisa u baxaaya.
Image result for kornayl caare iyo muuse biixi cabdi


Qormaddan waxaynu ku eeggaynaa qaar ka midda aragtiddii ay ka qabbeen Jabhadda uu aasaasay Kornayl Caarre iyo waxa ay ku tlmaami jireen in Xukun ahaan in la marriyo haddiiba ay dhacdo in gacanta lagu soo dhigo, taasoo ay uga dan lahaayeen inay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhiiri-geliyaan siddii ay tallaabo Milatari uga qaaddi lahayd Kornayl Caarre iyo Jabhadda uu hoggaamiyo.

Siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Kornaylka Caarre ku tilmaamay in la dilo, waxaannu Xukuumadda ku boorriyay inay talaabbo Milatari ka qaaddaan, taasoo ay ku sabab uga dhigayaan innuu ka horyimid jiritaankii iyo Nabadda Shacabka Somaliland, balse waxa jirey dano hoose iyo dagaal hoose oo ay qarsannayaan siyaasiyiinta ka soo jeedda barriga Burco ee gobolka Togdheer.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Ubaxle oo ka soo jeedda beesha barriga Burco ayaa waraysi uu siiyay Warbaahinta Hadhwanaagnews, waxa uu ku sheegay inay habboon tahay in Kornayl Caarre talaabo laga qaaddo oo aan la sii eeggan karin,waxaannu ku siffeeyay in ka soo horjeedda qaddiyada Somaliland, isla markaanna aan ogolayn Horumarka iyo Nabbadda ka tisqaadday gayiga Somaliland.

Hase-yeeshee, Siyaasiyiinta ka soo jeedda barriga Burco ee gobolka Togdheer, ujeedkooddu muu ahayn in Kornayl Caarre uu khatar ku yahay Amniga iyo Jiritaanka Somaliland, balse waxa jirey oo ay qarsannayeen dagaal hoose oo ku sallaysnaa Collaadii la soo afjaray ee deegaanka Ceel-afwayn, iyagoo taas ka duullaaya ayay Weerar afka ah oo joogto ah ku hayeen, iyaddoo ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku guubbaabin jireen in talaabo Milatari lagu qaaddo.

Dhinaca kale, Aragtiyaha noocan ah ee beesha bariga Burco ay qabbaan ayaa waxay uga dan lahaayeen siddii isaga horkeeni lahaayeen Kornayl Caarre oo ka soo jeedda beesha galbeedka Burco ama beesha Gerxejis oo tan iyo markii uu taladda qabtay Madaxweynaha Somaliland mucaaridad kulul ku hayay Xukuumaddii uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, siddee bay u arkaan heshiiska lala galay Kornayl Siciid Jaamac Caarre? Heshiiskan oo sida la ogyahay ku kacay Lacag gaadhay ilaa Haaf Milyan (Shan boqol oo kun oo Doollar), inkasoo dadka qaar leeyihiin lacagtu intaas way ka badan tahay ee lama wada sheegin.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska lagu soo afjarraayo Jabhaddii uu hoggaaminnaayay Kornayl Siciid Jaamac Caarre waxa uu beesha bariga Burco uga dhiggan yahay mid dhabar-jebin ku ah siyaasaddii ay ku riixayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faallo:Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...