Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Dhaqan Galayo Amar Culus Oo La Duldhigay Gaadiidka Dadweynaha.

0
Friday January 03, 2020 - 15:41:16 in News by
  • Visits: 1796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Dhaqan Galayo Amar Culus Oo La Duldhigay Gaadiidka Dadweynaha.

    Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Dhaqan Galayo Amar Culus Oo La Duldhigay Gaadiidka Dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Dhaqan Galayo Amar Culus Oo La Duldhigay Gaadiidka Dadweynaha.


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa Sheegtay wixii ka Dambeeya Bishan Shanteeda Basaska Rakaabka Sidaa Aanu Ku Xidhnayn Qalabka Xadidaada Xawaaraha aanu Ka Gudbayn Kaantarooladda Goboladda Dalka.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Maxamed Cige oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wajigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey qalabka xadiddaada xawaaraha ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudbayn kaantaroolada.


Shirka jaraaid oo ay si wada jir ah, ugu qabten xafiiska Agaasimaha Guud, ayaaa waxay Sidoo kale, gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada u qabteen mudo 60 cisho gudaheed ah in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay adeegaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi: - "in 5 bisha January 2020 oo ay ka hadhsantahay mudo 6 casho ah in bas rakaab qaada oo aanu ku xidhnayn qalabka (Speed Governor) aanu ka gudbidoonin kaantarooladda Goboladda JSL, maadaama ay dhamaatay mudadii 90 casho ahayad ee Wasaaraddu u qoondaysay dhamaatay, basaska intii badnayd 90% ay ku xidheen.”


Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- " sidoo kale waxaanu Iyagana halkan baaq uga diraynaa oo mudo 60 casho ah siinaynaa gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay in gaadiidka lagaga xidho qalabkaas.”


Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Maxamed Cige ayaa sheegay in ay amarkaasi fulindoonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- " waanu fulinaynaa amarkaas la soo saaray Xawaaraha oo intii badnayd ay iminka yaraatay sidii loogu talo galay intii lagu xidhay gaadiidka shirikadaha qalabkaa lagu xidhay way yaraatay.”

Loading...
Loading...