Jin-Dagaagay Baa Garxajis Dhabarka Ka Toogtay ( Abdi-Shgotaly).

0
Friday January 03, 2020 - 15:25:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jin-Dagaagay Baa Garxajis Dhabarka Ka Toogtay ( Abdi-Shgotaly).

    Ugu horayn aan idiin fasilo ereyga " Jin-dagaagaye",

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horayn aan idiin fasilo ereyga " Jin-dagaagaye",
Waxa ay yihiin inta Garxajis ee uu adeeeg-sado " Askariga madaxa ka jiran ee Hargeysa joogaa. Intaas dabadeed waxa la yidhi " Ruqo nin lihi dabadda hayaa ma kacdo" Waa dhab oo micna-heedu yahay, ruux guri-giisa duminaaya ama reer is baabi'inaaya oo isagu xiniin-yaha is hayaa ma jiro aan ahayn Garxajis ( siiba H.yoonis), Waxan uga socdaa, Jabhaddii Caare yaa halkaa dhigay? Ee cadaw iyo nacaba u jebiyey? Yaa gacanta u geliyey Khaayimiinta tuugta ah? Ee aan Ilaahay iyo aadmi mid-na aaan aqoon waa kuwa la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane" Yaa C/raxmaan Cirro iyo Waddani geedkuu gallo-ba u gooyey? Hadaan isku dayo in aan ka jawaabo su'aalaha kor ku qoran, cid kale maaha ee waa dhuuni raac-yadda, dantood maraata-yaasha ah, kaba qaadka u ah labadda askari ee dalkii iyo dadkii xididadda u saaray, aniga oo idiin soo koobaaya halkan hoose ka akhrIya, 

 

Kuwa aan idiin soo dul maray ee xilka ku doonta iyo macaashka ee Garxajis iibsaday, aan mid-mid idiin soo hor dhigo'e iga qabta, hadaad jeceshahay iyo hadaad diidan tahay-ba, ragaasi waa kuwa mus-dambeedka u ah Jeegaanta ee lagu biiliyo dhiiga garxajis in ay isku daadiyaan iyo iska hor keen-koodda, siddii ay lugta u qaban lahaayeen in aanay meela ka soo bixin, oo eyga bilaa caqliga ah u jebiyey in uu ku dul socdo " Waa ka isku lula Gurisga yaala Guriggii Moorgane ee loo yaqaano " Xaafad-tooyadda" Illaah adhaxdda iyaka ha ka jibiyo, oo yaanay cidhib dhigine, waxay u kala baxaan saddex qaybood oo kala ah:-

 

(a) Qayb koowaad oo sheegata siyaasiyiin, oo dhiig-miirad ku nool, waxa qudha oo ay kuwani ka taliyaan siddii ay ugu ceeshi lahaayeen keli-good, xil ay wax ku boobaan iyo cad quudheed loo tuuro'e loogu adeegsado Beesha Garxajis, iimaanka Alle hawga qaado Sareecane, waana kuwan magacya-doodu:-



(1) Ka la yidhaaho "Cawil" oo isagu wax uu cuno uun ku shaqeeya, cidna aan dan u hayn, wax uu xoolo ka dul qado mooyaane diin kale lahayn.


(2) "Ina Waran Cade" oo ah Biidhi-qaataha ugu weyn oo xil doon u dhintay, wax-bana aanay ke gelin beesha wax ku doono mooyaane.


(3) "Cali Baqdaadi" Oo isna ka fara qabsaday, xil-kana lagu siiyey kala qabinta Garxajis ( Gaar ahaan H.Yoonis), Wax kale-na aan loo diran haba yaraatee.


(4) Boos Mire Oo isna iska ah Rabbi Khalaq wa dalaq, oo lagu karbaashaayo Mujahaidka weyn ee ah walaalkii  ( Illaah Caafimaad iyo cimri dheer ha siiyo'e) Mujaahid Axmed Mire, Waxa keliya ee xilka loo siiyey-na uu yahay ka hor geeya Mujahaid Axmed, Kaa s oo lagu qawlalay Caruurta noo ciyaarsii ( Meela-haas kubadda ugu tuur-ruur, reer-kana u jawaab markay hadlaan).


( 5)  Daba-leefka Maamul walba u rixiya, ee Magca Reer Sugule Ku xoog-sadda, waa ka la yidhaaho "Saciid Sulub", oo wax uu yahay aanay jirin, xaaraan iyo xalaal kala aqoon, lana yaqaanay in uu ahaa basaaskii af-weyne, uga soo warami jirey Jabhaddii SNM. akhristaw intaas oo keliya maahee, waa ciidaas camaaray, intani wa kuwa hor kacaaya, qalad eebbe ha ku ridee.


(b)  Qaybta labaad, Waa kuwa lagu uus miirto arinta reerka Garxajis, Waa kuwa loo yaqaano " Ganacsatadda" Hadaad og-tahay iyo haddii kale-ba, xoolaha lagu burburi-naayey Ceerigaabo, ee "Jabhaddii Dulmi Diid" Lagu kala furfurey lagama soo qaadin " Maamulka uu hor joogaha ka yahay " Raggii ma adigaa ka hadhay", Ee waxa bixiyey Gancasato ka soo jeedda Beesha Garxajis ( Gaar ahaan H.Yoonis), kuwaas oo ah aalad lagu istcimaalo in reerka ay ka soo jeedaan iska hor keenaan, isku jebiyaan, si aanu mid-mid u raacaa, kuna burburiyaan taladda guud ee reerka iyaka oo xoola-hoodda adeegsa-naaya, oo aanay shilin ka soo qaadin " Askariga bilaa maskaxdda ah ee waalan", lacagta lagu burbuiyey Jabhaddii Dulmi-diid waa tooddii, iyaka oo ku af-gobaad-sadda doonimayno dagaal oo xoola-hayaga baanu eeganaynaa. Waa awr kiraala-yaal uu heeryo saartay ka maskaxdda ka haystaa, waa Askariga jiho wareersane.


Ragaas waxa ka mid ah.

(1) Ina Baar Jeex,


(2) Mulkiila-yaasha Shirkadda Somtel,


( 3) Ka  Diyaaradda daallo Leh "Colaad" Iyo qaar kaloo badan, xata waxa ku jira bacad-layaal, wa nooca sidda gafanaha uga soo go'ay dhiigga reerka, iyaka oo eeganaaya dana-hoodda khaaska ah, ee aan reer naf u hayn ku dul ceesha mooyaane.


(c) Qaybta sadexaad, Waxa weeye kuwo calaamad Alle ka muujiyey oo " Hunguri-dhaqmeedo iyo koofiyad bacla-yaal sheegta salaadiin, boqoro" Iyo wax kaloo aan la garanayn, waxa ugu horeeya;-


(1) Ina Xirsi Qani, oo ka bilaaby-ba ah in uu jebiyo Jabhaddii " Dulmi-diid ee Kornayl Caare, isaga oo Ka wakiilka ahaa Maamulka askarta. Waad Ogaydeen wuxuu ka samaynaayey Ceel-Af-Weyn, Bohol, fadhi-gaab iyo magaalooyinka Sacad Yoonsika, isaga oo mashruuc uga soo qaatay, oo uu ku soo siiyey " Raggii Ma adigaa ka hadhay".


(2) Ka labaad waa tuuga afar kabood-laha ah ee la yidhaaho "Abdiraxmaan Good" kaas oo Ina Xirsi Qani u ah kaba qaad, oo ku daba dhuuman jirey kaa xanuunsaday, markii Itoobiya loo qaaday-na, kan baa xilkii ay askartu ku wareejisay, waa mid aan wax ka xaaraasani jirin, bakhti iyo nijaas aan kala aqoon, caloosha buuxi mooyee, bilaa damiir ah, toban wajiile ah aan daahirin.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalka, Waxa la yidhi " Gacan qaad-qaad baratay, haddii la jaro, gumadkaa dhaq-dhaqaaqa" H.Yoonis joojin wayday hunguri ay melef-taye, ha ku dhamaadeen. Kii runta diidaayaw " Miyey imika kaa boodda naftu" Bal inaan faataxo kuu akhriyo, in aan ku idhaaho Cadaabta alle ha kugu sii fogeeyo mooyee. Waxan intaa ii raaca, Garxajis wuu kala baxay, Ma jiro Hal Ciida-gale ah oo reerka dhabar jebinayaa, ama loo adeegsadaa, Waxa Ciida-gale halkaa dhigay waa H.yoonis oo Hunguri mooyee aan wax kale u jeedin, hadda waxa gumaysta, kii dad ugu liitay, ugu xumaa, ugu cuqdadda weynaa, ee colaad reerreed ay beerka iyo wadnaha dhiiga kala xidhay ( Raggii ma adigaa ka hadhay". Ugu dambayn Ilaa ay Shicibka Habar Yoonis iska qabtaan eydan aan sare ku soo taxay nooc ay yihiin-ba, Waa iga walaahi in aanay meel gaadhayn, waa taas jabha-dooddii ay iyaku Cuneen, iimaanka Rabbi ka qaday, dufan raaca noqday, dad ugu liita, sidda dhulka loogu dul soconaayo, weliba la yidhi xooli-hiina iyo hanti-diina ku burburiya Garxajis.  Daa'uud Garxajis waa ka nadiif ee waxan odhan lahaa waar tashadda kuwani meel idiin wadi-maayaane, iyaka baa qayr-kiin iyo qayr-ku xigeen-kiinba idinka reebaye.


* N.B Gacan Qaad-Qaad Baratay Gumadkaa Hadha.

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...