Soomaalida Iyo Dhaqashada Idaha:

0
Friday January 03, 2020 - 12:30:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Dhaqashada Idaha:

    Iduhu waa meesi kamid ah meesiyada la shafeeecsado ee dadwaynaha soomalidu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iduhu waa meesi kamid ah meesiyada la shafeeecsado ee dadwaynaha soomalidu
dhaqdaan meel ay joogaanba laakiin iduhu waxay aad ugu badan yihiin buurta dheer ee raas casayrs iyo halkay baduhu iskaga darmaan cariga kasoo rogan ee dhaxanta leh gaar ahaan gobolka sanaag.

Xiliga ay xooluhu u diyaarka yihiin inay rimaan waxa layidhaahdaa:

Geelii waa abaaho qaatay.

Adhigii iyo lo’diina waxay orgoodeen.



Dadka deegaanada ceerigaabo waxay gaar saaraan idaha oo ay yidhaahdaan iduhu waa sumladeen.

Iduhu waa nugul dhinaca abaaraha markaa soomalidii hore iyo tan maantuba waxay idhaha ku sii daayaan wanka iyadoo loo eegayo dayaxa, hadii sidaa layeeli waayana idahaasi waxay dhalayaan xili abaara dabadeedna waxay noqonayaan qaar huf beela oo aan jirin.


Inta badan waxay rimaan badhtamaha dayrta si ay udhalaan seermawaydada guga.

 Idaha saddexbaa baabiisa:

*    Suul: suulku waa sida caanaha looga maalayo xiliga guga ayey gabdhuhu weelka la daba joogaan ilaayo xagaaga markaas oo ay nayshuna ku lamaantahay.

*    Suluf: suluftu waa cambaar lamid ah candhada geela gasha, uskag ayaa ay sababsataa, ama noole aan loo saxa tirin oo lagu xareeyo, dhul kulul oo ladejiyo, ama xiligii roobka oo aanay si fiican umaydhmin i.w.m.

Waa laga daweeyaa oo inta dhogorta laga jaro barta cambaartu ku Taal ayaa dufan la mariyaa si uu dubka iyo diirku u kala fuqo.

*    Sumal: waa wanka idaha saarta oo aan loo eegin waqtiga lagu sii daynayo.

Dadkii hore ee soomaliyeed meersiga adhiga waxay aad ugu jeclaayeen idaha sababo dhowr ah oo jira awgeed:

1.     Waxay dhab uaaminsanaayeen in hilibka iduhu yahay dawo sidaas awgeed ayaa waxay soomaalidiii hore ku maahmahi jireen (lax iyo laxaw meel ma wada galaan).

 

2.     Ninka buka waxa lagu baanto waxa ugu fiicnaa wan afcade ah oo hilibkiisa laga durduuro, qaar waa loo kariyaa, qaarna waa loo shiilaa oo cad yaryar oo kumbis layidhaa ayaa looga dhigaa, qaar kalena badhi fuddle (oo ah jiidh badhi iyo subax fiixa oo laysku googeeyey).

Abwaan somaliyeed oo cadka idaha ka saraysiiyey cadka riyaha iyo ugaadha kale waxa uu yidhi:

ü caatada riyaha lama qasho iyo cawlka joogsadaye

ü caaniyo baruur baa nin raga caafimad tarae

3.     Ninku marku rabo inu xoolaha uxirsi xirto waxa uu qalan jiray wan weyn ama sabeen shilis.

4.     Waxay dadkii hore u qali jireen idaha martida, xididka usoo geed fadhiista, ergada maamuuska mudan ee reerka soo tamadisa, wadaadka quraan ruuga ah ee reerka quraanka u akhriya.


5.     Waxay dadkii hore u qali jireen haweenkooda ay jecel yihiin marka ay udhalaan wiilal.

Sida ku cad dhaqankii umadii soomaliyeed ee hore waxay aad ujeclaayeen wiilasha si aad ufahanto fiiri sheekadan:


Waxa la yidhi bari baa nin madi ah guursaday gabadh labadii door ee hore waxay udhashay gabdho, markii sid kii 3aad ay sido ee ay soo shin dhawaysay ayaa uu maalin maalmaha ka mid ah waxa uu maqlay gabadhaadii waa ay foolanaysaa waa uu farxay waxa uu uqaatay in wiil doorkan udhalanayo.

 wuxu sugaba waxa uu dhex galay adhigii oo uu kasoo qabtay wan jabsaday, waxa kale oo soo qaatay koosarad timir ah oo derisyada kasoo amaahday oo uu keenay aqalka hortiisa, intaas kadib markii dumarkii gabadha ka umulinayey uu ka maqli waayey wax alalaas (mushxarad) ayaa uu is galay oo cadhooday dabadeed gabadhii ugu horaysay ee soo baxday ayuu waydiiyey heblaay hebli maxay dhashay?.


 Inta ay woxooga aamustay ayaa ay ku tidhi iyadaa is dhashay oo ay ula jeeday gabadh ayaa ay dhashay.

Markaas ma hadalbaa yaal ninkii inta uu wankii adhigii ku sii dhexdaayey ayuu koosaradii timirta ahaydna uceliyey cidii uu markii hore ka soo amaahday.


Todobaado kadib waxa loo dhabo galay gabadhii inanta yar dhashay oo u heesaysa oo inantii yarayd ula baxday (fududo) oo Canaan dusha ka huwisay inantii yarayd ee dhalatay waxaanay ugu heesaysay sidan:

Ø Fariid baa dhalan lahaayoo

Ø Rag baa faarixi lahaayoo

Ø Wan baa foorari lahaaye

Ø Ragbaa lay furi lahaaye

Ø Maxaa fududooy ku keenay.

Intaas marka aynu kaga nimaadno sababaaha umadii hore ujeclaayeen idaha, waxaan iminkana in yar wax ka bidhaamin doonaa heeshawleedyadii loogu heesi jiray idaha.

Hees hawleedka 1aad gabadhii sintay hooyadeed iyo laxdii ay caanaheeda ay kusoo kortay ayaa ay tidhi:

ü Aday habayoo

ü Adaa hadalkiyo

ü Hadaaqa I baray

Heestan waxa loogu heesahaa maalinta abaareed sida codcodkooda iyo cadkooda idaha loogu baxsado waxaana layidhaa:

v Maalin cadaroo

v Caano gaabteen

v Codcodkaagiyo

v Cad Malays daray

Markay dumarka idaha raacaan intay ubogaan laxda iyo naysha dhinaca kaga lamaan ayey ugu heesaan:

o  Canbar nayshiyo

o  Cadka badhida leh

o  Cukukubiyaay.

Markale waxay ku wargalinaysaa in ninkii dhaqay uu u sahantagay dhul doogaad fiican:

*    Xaluu gudayoo

*    Geesigii dhaqay

*    Geenyo fuulyoo

*    Geedo kuu doon.

Markale waxay la kaftantaa wanka oo ay u sheegtaa in uu baruur lasocon waayey iyo in hooyadii weyd la dirgan la’adahay waxaanay ku tidhaahdaa hooyadaa badhida badh ugoo:

Ø Dayloow habartaa

Ø Doogi maysee

Ø Doosha badh ugoo.

Mar kale waxay sheegtaa sida iduhu uga baxaan abaaraha oo ay ugu badbaadaan roobabka iyo hilaacyada waxaanay tidhaahdaa:

v Adoo haydalay

v Oo ilmihii huray

v Hagoogane roob

v Soo hilaacyoo

v Soo hoglo hoglee.

Markale ayey u ducaysaa allow maalin daran oo abaaro dhaceen oo siigo iyo dabaylo leh oo dadna isnacay allow ha dabargoyn:

Ø Alloow daylooy

Ø Maalin dayr waa

Ø Oo dabaylo leh

Ø Oo dadba is nacay

Ø Haku dilinoo

Ø Haku dabar goyn.

 

 

Waxa Qorey : Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]     0634240189

Loading...
Loading...