Caadil Mahadi Weeyan, Caqligu Hadduu Shaqeeyo, Colaadii Ceelafweyniyo, Caareba Soo Dhamaadeen

0
Friday January 03, 2020 - 12:16:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caadil Mahadi Weeyan, Caqligu Hadduu Shaqeeyo, Colaadii Ceelafweyniyo, Caareba Soo Dhamaadeen

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb). Salaan Kadib Waxan Mid Khaas Ah U Soo Dirayaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb). Salaan Kadib Waxan Mid Khaas Ah U Soo Dirayaa,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-CAADADEENA WEEYAAN,CAFIGIYO HESHIISKUYE,

   CIIDAMADII CADHOODIYO,CAARE IYO COLKIISII,

   CAAWA MAY LA JOOGAN,CADAWGI MA NAXAYO,

   CIILKAANBI AWGEED,CANDHUFTI DIB MA U LIQAY,

 

2-CULMIYO WAX GARADIYO,CUQAALIYO SULAADIIN,

   CIDKASTO KA QAYBGALAY,CEEBAYDIN MAYDHEEN,

   CARABIYO DAANKU,WAA CAD MEEL KU WADA YAAL,

   CUNTADA WADAAGAN,MARARNA WAYS CANTUUGAN.

 

3-CAADIL MAHADI WEEYAN,CAQLIGU HADDUU SHAQEEYO,

    COLAADII CEELAFWEYNIYO,CAAREBA SOO DHAMAADEEN,

    CAADI TAHAY SANAAGOO,CARRADEENI NABAD TAHAY,

    CADAALADOO LA DHAWRA,CIDHIB SAN LOOGA AAYA.

 

4-CIDHIFYADA KA JOOGSADA,DOORASHADAN CAKIRANTE,

   CAALAMKINA KA YAABEEN,CAABUQ NABAR AH WEEYEE,

    DIMUQRAADI CURADAA,CUNAHA UUN AYDIN HAYSAAN,

   CAGATA MAW DHIGTAN TALO,CAYNUNAGA TIDHAAHAN,

                   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...