Ganacsatada Qaadka Iyo Xukuumada Muuse Biixi Oo Fooda Iskula Jira Iyo Cashuur Kordhin La Sameeyey
Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi ayaa kordhisay cashuuraha ay ka qaado qaadka soo gala dalka ee laga keeno dalka Itoobiya.
Wasiirka Maaliyada Dr.Sacad Cali Shire ayaan ilaa hada si rasmi ah uga hadal cashuuraha lagu kordhiyey qaadka soo gala somaliland, iyada oo ganacsataduna ay ka muujiyeen dareen ay kaga soo horjeedaan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay kordhisay ay kordhisay cashuurta qaadka, taas oo baag kasta lagu kordhiyey cashuur gaadhaysa 10%.
Xukuumada somaliland ayaa kiilo kasta waxay ku cashuuri jirtay shanyo labaatan kun iyo shan boqol(25,500) oo shilinka somaliland halka hada la dhigay sagaalyo labaatan kun iyo shan boqol(29,500)oo shilinka somaliland ah iyada oo baaga ay ku jiraan labaatanka kiiloo ayaa hore looga qaadi jiray shan boqol iyo toban kun (510,000) halka hada laga qaadi doono shan booql iyo sagaashan kun(590,000) oo shilinka somaliland ah.
Dhinaca kale ganacsatada qaadka ee somaliland ayaa cabasho xoogan ka qaba cashuur kordhinta ay xukuumada Muuse Biixi ku samaysay, iyada oo uu dib u dhacay qaad iman lahaa somaliland.
Sidoo kale ganacsatada ayaa cabasho ka qaba cashuur kordhin badan oo lagu sameeyey mudadii uu talada hayey hogaamiye Muuse Biixi.
Ilaa hada ma jiro xal laga gaadhay khilaafka u dhaxeeya xukuumada iyo ganacsatada oo isku khilaafsan cashuur kordhin ay wasaarada maaliyadu samaysay.