Caarre Wuu Guulaystay, Muse Biixi Wuu Guulaystay, Maxamoud Xaashi Wuu Guuldaraystay

0
Thursday January 02, 2020 - 12:00:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caarre Wuu Guulaystay, Muse Biixi Wuu Guulaystay, Maxamoud Xaashi Wuu Guuldaraystay

    Dunidan aynu joogno cilmiyan waxaa wax la qiimeeyaa oo faaiido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan aynu joogno cilmiyan waxaa wax la qiimeeyaa oo faaiido
iyo kha Saaraheeda la soo bandhigaa markay waxaasi dhammaad joogaan. Siyaasiyiinta ama Hogaamiyeyaasha ama wax qabad kasta bilawgeeda lama eego dhammaad keedaa la eegaa. Tusaale qof walba fahmi karo  oo si cilmiyeysan haddaan idin siiyo IMIKA HADDAAD GURI DHISANAYSO OO BOQOLAALKUN CID U DHIIBTO, MARKA LA BILAABO IYI MARKA  DHEXDA LAGAGA JIRO HADDAAD MEESHII TIMAADO MAROORO DILAAC  BAA KUGU DHACAYA IYO ALAHAYAW MAXAY NOQON NINKII AWRKII LACAG SIISTAY, LAAKIIN MAALINTUU DHISMAAHAASU DHAMMADO EE MUFTAAXA LAGU SIINAYO AYAA LAGUU YEEDHI MARKAASAA XOOLAHAAGII QIIMAYNTEEDU IMANAYSAA. Waa sidoo kale siyaasadda  hogaamiyayaasha iyo dagaaladuba.


Imika Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal bilawgiisii hogaanka SOMALILAND  loo igmaday wey isku walaaqnayd oo wey cakirayd oo dagaalo sokeeye ayaa bilawday oo waxaynu u soo  marray WAAR ILMAADEERAYAAL HA NAGU SOO LUGOINA, ARABAW ISCADDEE, XOOLAHA AQALkAYGAAN DHIGAA CID AAN U AAMINAAN WAAYEY , DAGAALKU WAA MASHRUUC. Waxaa ka dambeeyey inuu  cid walba la heshiiyey  waddankii maamul u sameeyey, taladii ummaddii la wadaagay wadankiina cagaha u taagay runtii guushu waa waxa walba siday u dhammaadaan ee lagu gebogebeeyo. 

Maanta Col. Caarre  halkuu  Jabhaddaka bilaabay fagaare qadhaadh bay ahayd, tolkiiba hortiisa lagu laayey iyadoo la isgarabsaday askar iyo qabiilba HALKAASUU U BOODAY ISAGOO XUMBAYNAYA OO LEH AABIHIIN WASA WAY INOOTAHAY OO KELIGII OO CAD OO MADAW AH.  XANJIYO SUUF BUU ISKU NABAY CADAWBUU U GALAY KOONO WALBA WUU GIRIRFLEEYEY KA DIB NIN TOL IYO TAAGBA LEH BUU NOQDAY . DAGAALO ISDABA JOOGABUU GALAY, GOBOLKII SANAAG ISBEDELMUUQDUU KA DHALIYEY OO XUKUUMAD DIIbA, LABADA CORNAYL  EE Muse iyo Kaahin ba wuxuu tusay inuu ka dagaalyahansanyey. Markii Muse Biixi  arkay inuu talaabaduu qaadoba dhawr boqol oo kun oo dollar iyo rag waayayo ayuu taladii Salaadiinta iyo wax garada reer SOMALILAND  ee berigii ay sahlanayd diiday dib u qaatay CAANO DAATAYBA DABADEED LA QABAY BAY NOQOTAY WUXUU OGOLAADAY INUU  CAARRE  LACAG BUURANSIIYO DEBEDAA UU KU SOO NASTO ASKARTIISOO DHANNA HESHIIS KULA GALO INAY CIIDAN GOBOLKA AH NOQDAAN LANASOO DHOWEEYO. HADDUU MUSE FARIIDNIMADII IYO HAL ADAYGII  SIYAAD BARRE LAHAAN LAHAA SANNAAG OO DHAN CAARRE AYUU U MAGACAABI LAHAA.  QIIMAYNTA MAANTA  INA HORTAAL WAA SIDAN:

1- CAARRE WUU  GUULAYSTAY OO TOLKII DAGAALKII KU SOCDAY WUU SOO AFMEERAY OO CID WALBA BAQUU GELIYEY.

2- SIYAASADDII XUKUUMADDA MUSE WUU RUXAY OO WUXUU  KAGA YEEDHSIIYEY JABHADDA CAARRE WAXAA AASAASAY WADANI IYO GARXAJIS OO ARIN AAN SAL IYO RAAD LAHAYN AH.

3- CAARRE  WUXUU DHIIRI GELIYEY INANAANAY MUSE KA BIQIN SANNAAG BARI EE AY BIRINBIRQEEYAAN WEYNA DHACDAY .  

4- CAARRE  WUXUU MUSE TUSAY IYO  REER GALBEEDKA SOMALILAND IN DHULKU KALA QAALISANYEY OO  DHULKIISA SANNAAG UGU QAALISANYEY WAANA DHAB.

5- CAARRE WUXUU TUSAY REER SOMALILAND INUU YAHAY HALYEY REER SOMALILAND AANAY KA MAARMIN.

MUSE Biixi  wuu GUULAYSTAY waayo arintii Siilaanyo ka xanuunsaday ina Xaashina ku ciyaaray ee Sanaag wuu Soo afjaray hadday Ceelafweyne tahay iyo hadday Jabhaddii CAARRE tahayba wax walbana bilawgeeda lama eegee  dhammaad keedaa la eegaa markaa Muse Biixi arintaa wuu ku guulaystay. 

Maxamuud Xaashi  wuu guuldaraystay runtii maanta Facebook mooyee meel aad ku arkaysaa ma jiro  weli wuxuu ku jiraa jiha wareer iyo xitaa haddaad khubadihiisa dhegaysato  wuu lunsanyey oo wuu deldelanyey  sida Riyo  Raac dhinac Alle dhinac ay jiraan ma jiro waxay xaaladoodu u EEGTAY sidii dadkii  dayaaradaa ku tahriibi oo wadan walba in lagu dejiyo loo diido oo hawada dayaaraduu la meeraystaan WAA RIYO RAAC IYO INA XAASHI meel ay caga dhigaan ma jirto. MUNDANE RAMMAAX OO XIDHAN BAA DHAAMA ISAGU LAWYERS BUUBA HAYSTAA LABADAASI XITAA WAA BILAA LAWYERS 

M Bashe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...