Socon Wayday Beeniye Ee Baroorta la Jiif ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday January 02, 2020 - 11:53:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socon Wayday Beeniye Ee Baroorta la Jiif ( Abdi-Shotaly).

    Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalay iyo ma riiggii xumbo weynaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalay iyo ma riiggii xumbo weynaa,
 markuu beenta dhuraayo, ma babulaacad jabtaa, marka uu bari caayaayo, galbeed-na beero ku sheego, kolka uu baf-baf leeyee, baloodho raadinayo, bogcad reer u lahaa, intuu boob ku cadeeyo, Ma bahal gaajo ku raagoo, beryo aydda dhex jiifoo, baadi soo helay baa, Askariga baaban bal eega, ba'na aan garanayn, xukun bawsadayoo, maskaxdi ka baxday, bulqaas-kuun ka yaqaan. ku bukoodda wanagga, ku bogsoodda xumaanta, Nin-ba meesha bugtaa, isagay belbe-shaayoo, bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo, bestii uu la noqdaayoo, markuu baala daymoodee, arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo, ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi'iseen. waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, hadaaq uun la butaaca, sidda babka askariga, kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, in uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, hoogayey badatoo, ku basbeello sidaaAskari beenti way socon wayday miyaanu raali ka ahaan karnaa, saw inaan iska baydhino maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, bal ummad yahay u fiirsadda, mid derbi-yadda seexdda, oo bakhtigu u xalaal yahay, baa reer iyo mid aanu isku xaafad nahay baa kursiga ku fadhiya, ku difaacaaya, Waxaas oo xumaan ah, kan hadoodi-layee hanjabaadda ku waashay, misna hoos ka qalaalan, hoorseed-kiisii khaldamay, hadalkii is dhex qaaday, hubaal maw arag-teen. Akhristaw aan dib ugu soo noqdo'e, sidda uu cinwaanka maqaalku inoo biniixi-naayo'e, bal ku soo dhawaw waa tane. caqliga askarigu wuxu is leeyahay, malaha la gaadhi-maayo, Bisha soo socota 10/01/2020. ee maalin-taas muxuu sidiisii la wadha-dhac odhan ka "Xaafad-tooyadda" afarta dhuuni raac kursiga isugu ruxaa, ee magac aanu lahayn sheegtaa?



 Muwaadin waxa uu dadku u yaqaano " Makhruuqa, waa cudur laga qaado qof waxaad jecshahay, oo aad wayday haysta, oo aad ku aragtay ama heli kari la'dahay, ama maksab uu gaadhay aad u diidan tahay, oo qaybta illaahay iyo abuuri-diisa ka soo hor-jeedda, doonaaya in ruuxaasi wuxu illaah ugu deeqay, in uu ka qaado oo isaga siiyo, mana laha dawo kaasi, ee isaga buu dishoodaa una dhinta, Waxay dadka qaarkii ku sheegaan noocaas  " Xaasid " waayo wuxu ka dhimanayaa qofkaa uu sinaba ula sinmi waayey, ee uu casaawa-jalahu ka sarey-siiyey, dabeed wuxu isku dayaa in uu kolba taako u dhigo, uu is yidhaaho ha ku jabo, waase uu ku guul daraystaa sidda Raggii ma adigaa ka hadhay. kaas oo markii uu ka yaabay, maalin-ba-maalinta ka dambaysa, murugo iyo muraara-dilaac, maskax-fered iyo weji gabax ka sii qaadaaya, waa kaase maryihii dhigtay, markii ay ummadu qaawisay, ee la isu soo taagi waayey. Markii uu ku joojin kari waayey dadka beenta. buu imika kolba shaadh inoo soo gashanayaa, hore baa milicdu u cadaysay inta la hurgufaye. maskaxi meesha ma taal, umana uu dhalan, weliba ay u sii dheer tahay xanuun beeleed, oo kaga xun wadkii dili lahaa askariga bilaa akhlaaq-dda ah.


Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la'aanta, xaraashka Hantidii ma guurtadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaqbalkii iyo rajaddii dalkan iyo dad-kani. Muwaadin, ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dib ugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askartiina ay inaga isku keen jeedisay, oo mid-ba kuu ka liitay loo tiriyey xaf iis, mid aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la'aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka waantoobi, Oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.  Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdina soo haaban kari waayo, uu is yidhaaho sare isu soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiye barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaaya, waxa-se uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go'aa, Akhristaw, Waxan ku soo qoofalay qoraalkan, la dabaalo wareerka adigaa isku beeree Askari-yahaw dhukani.

* N.B Habaar Qabe Hiil Ma Laha.
Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...