Maxamed BK, Wuu Tol-waayay!
Alfanaan Maxamed Siciid Cabdi (BK). Waa halyay u kacay dadkiisa
iyo
dalkiisa oo halgan dheer u-galay sidii Qadiyadda dadka reer Somaliland
leeyihiin u noqon lahayd mid meel-marta. Waa nin maanta ka hor,
aaminsanaa inuu leeyahay dad iyo dawlad gaashaan u noqon doonta maalinta
uu u baahdo. Mabaadiidiisa ku qotonta qaran-nimo jacaylka
(Somalilander-nimo), waxa ay dhaxalsiiyay inuu Cadaw-badan yeesho,
kuwaas oo goor walba iyo meel kasta oo ay joogaanba dabino u-maleegaya
fanaanka reer Somaliland ee BK! Cawo-daro, tiroba laba jeer ayuu
cadawgaasi ku guulaystay dibindaabyadii uu la maaganaa BK, oo uu cidla'
ka helay halyaygii reer Somaliland calanka u-siday. Kenya iyo Nayrobi,
ayay ahayd markii sanadkii hore ay dhagar-qabayaashu ISKU-QAYSHADEEN ee
ka hor-joogsadeen in uu fanaanka BK, ruwaayad ku dhigto!.
Taasi waxaba ay ahayd mid la liqi karo oo mu-aamaraad lagu saleeyay
ku wajahan amniga daawadayaasha oo dawlada Kenya-na laga-iibiyaye,
maanta oo ay fanaankii waynaa ee BK, isaga oo jooga dalka UK, oo ah
Xudunta Qurba-jooga reer Somaliland, uu cadawgii shalay dhibaateeyay
hadana baraha bulshada ku bah-dilay, London-na maryaha kaga saaray,
indhaha dadkii reer Somaliland oo shan ah, toloow maxay dhalin-yartii
reer Somaliland ee waajibkoodu uu ahaa inay difaacaan fanaankooda BK,
odhan doonaan? maxay ku marmarsoon doonaan reer Somalilandka jooga UK,
ee u noqon doona cudur daar ay kaga gabadaan ceebta dushooda hoganaysa
ee ah, wiilkoodii oo hortooda lagu qashay? Jawaabtu waa WAXBA!
La yaabi maayo, kuna canaanan maayo fanaanka Maxamed BK, hadii uu
arinta J.Somaliland gabi-ahaanba dhinac isaga leexiyo oo uu iskaga baxo!
Oo maxaan u eedayn een ula yaabi?, 30sano ayuu Maxamed BK, J.Somaliland
iyo jiritaankeeda u qaylinayay oo uu meel kasta u maray wax kastana u
sameeyaye, mantana dadkiisii oo arkaya badhida dhulka loogu dhuftaye.
Aheey ah, Allahayoow Ciil-badanaa. Aaway dhalintii reer Somaliland?
Aaway kuwii marka Waxari ay waxar kale herdido gudaha J.Somaliland,
cabaadkooda laga fadhiyi waayi jiray. Lama hayo hugunkoodii iyo
qayladoodii saw maaha? Maxamed BK, WUU TOL-WAAYAY. Wallee Ceeb ayaa
raacday reer Somaliland.
Dhaawaca halista ah ee la gaadhsiiyay Maxamed BK, waa mid ay
u-wiiqmi doonta qaran-nimada J.Somaliland. Waa dheg-xumo ku taal ummadda
reer Somaliland oo dhan oo eega laga bilaabo ku sifoob doonta
"Heeryadeed-cunooyin aan hu' iyo sharaf toona lahayn". Waxay ku
shaabadaysnaan doonaan wacad-qabayaal loogga oo dilla curadadooda iyo
lama-dhaafaankooda. Waa fulay, Jaahiiliin, tolfiiq-laawaayaal aan la
isku-halayn karin. Maxamed BK, wuxu taagan yahay caawa "Allahayoow doqon
yaa tol ka dhigan jiray".
Ugu dambayn: Waxan odhan lahaa Maxamed BK, dadkaa ku dilay ee cadaw
waxba kuma yeeleen. Waan ka xumahay saaxiib, Sorry Mr BK.
C/Nuur Xaaji
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...