Madaxwayne Deni Oo Sheegay In Puntland Hogaamineyso Kacdoonka Dowladnimada Somalia

0
Thursday January 02, 2020 - 09:21:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Deni Oo Sheegay In Puntland Hogaamineyso Kacdoonka Dowladnimada Somalia

    Madaxweyneha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo tababar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo tababar
u soo xidhay cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada ayaa kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.


 

"Waxa ballan nagu ah in aan dalka madax-furasho dambe loo haysan doonin, mid meel istaaga, mid is-madoobeeya, iyo mid reer soo kaxaystaba, cidna kama aqbali doono,” ayuu raaciyey.

 

Deni ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay in Puntland hormuud u noqoto kacdoon dowladnimo oo ka bilowda guud ahaan Soomaaliya.

 

"Dadka Soomaaliyeed nasiib darada iyo hogaan xumada ku dhacdey waxaad moodaa in wixii yaraa ee la amaamudey mudadii yaraa ee dadku dowlad ahaa in la rabo in la burburiyo,” ayuu xusay.

 

Madaxwaynaha oo hadalka siiwata ayaa intaasi raaciyay "Waxaan rajeynayaa dowladda Puntland siday marar badan hormuud ugu ahaan-jirtay dalka Soomaaliya in ay mar labaad ay hormuud ugu noqoto kacdoon dowladnimo oo ku saleysan ammaan sugan, nidaam maaliyadeed oo sugan, adeeg bulsho oo dhinacyadeeda kala duwan iyo kala dambeyn midnimo lagu tiigsanayo”.

 

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay xoojin doonto tiirarka Puntland lagu aas-aasey oo ah adkeynta federaalka iyo midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Loading...
Loading...