Mucjisada Qorraxda Iyo Dayaxa Ee Laga Arkay Meelo Ka Mid Ah Qaaradda Aasiya

0
Thursday January 02, 2020 - 08:59:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucjisada Qorraxda Iyo Dayaxa Ee Laga Arkay Meelo Ka Mid Ah Qaaradda Aasiya

    Dadka ku sugan qeybo ka mid ah qaaradda Aasiya ayaa arkay muuqaal mucjiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku sugan qeybo ka mid ah qaaradda Aasiya ayaa arkay muuqaal mucjiso
ah oo ka sameysmay dayaxa iyo qorraxda, kaasoo u ekaaday "faraanti iftiimaya".

Meelo badan waxay dadweyne isugu tageen si ay u daawadaan isbaddalkaas dabiiciga ah, oo la arkay qarniyo badan ka dib.



Waddamada laga dheehday waxaa ka mid ah Sri Lanka, Indonesia, Hindiya iyo Sacuudi Carabiya.

Muuqaalkan wuxuu ka sameysmay dayaxa oo ku aaddan bartamaha qorraxda, iyadoo markaas dhulka hoose laga arkayo wax lagu qeexay faraanti u muuqda inuu holcayo.


Sanad walba waxaa dhaca kaliya labo isbaddal oo ku yimaada qorraxda, lagana arko dhulka, taasoo sababteeda ay seynisyahannada ku sheegeen marka uu meeraha dhulku si buuxda ama qeyb ahaan ugu tooso dayaxa, sidaasna uu hoos ugu yeelo.


Qorrax madoobaadkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid aad u dhow oo dhacay 2-dii bishii July, waxaana inta badan si gaar ah looga arkayay Koonfurta Ameerika.


Khubarada seyniska waxay sheegayaan in qorrax madoobaadka dhameystiran ee xiga la arki doono 14-ka bisha December ee sanadkan 2020-ka.


Waxaa qorrax madoobaadkaas dabiiciga ah la saadaalinayaa in laga arki doono qeybo badan oo ka mid ah waddamada Chile iyo Argentina ee Koonfurta Qaaradda Ameerika, iyo sidoo kale koonfurta-galbeed ee qaaradaha Afrika iyo Antarctica

 

BBC

Loading...
Loading...