Madaxweyne, Waran Kugu Soo Noqondoona Lama Rideeyo. Khudbaddii Shalaykawaankaad Isa Saartay.

0
Wednesday January 01, 2020 - 16:28:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne, Waran Kugu Soo Noqondoona Lama Rideeyo. Khudbaddii Shalaykawaankaad Isa Saartay.

    Madaxweyne, xafiiskii u sareeyey baa laguu doortay ee goaanada wadanka gaadhayey ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne, xafiiskii u sareeyey baa laguu doortay ee goaanada wadanka gaadhayey ,
miisaaniyaddii  wadanka ayaa gacanta  laguu  geliyey, wuxuu  wadanka ka baxayey  iyo  wixii soo geliyey  ayaa laguu xil saaray.  Xafiiskaaga laga bilaabo  ilaa xafiisyada Xukuumadda noockasta oo ay yihiin mid walba hab (?check and balance)ah buu  u dejisanyey oo qoran oo hab la raaco  leh oo hab loo  xisaabiyo  leh oo adduunkoo  dhami ku shaqeeyo markaa  dadku maadigay  kula xisaabtamaan iyo  Xafiisyada kaa  hooseeya ee wax loo dhiibtay mise qofka  gidaarada fadhiyey lala xisaabtamaan  adduunkoo  dhan ciddii xil iyo masuuliyad loo dhiibtay  baa lala  xisaabtamaa.

 

Madaxweyne haddaad  boqol iyo soddon  wareegto shaqooyinkii Xukuumaddaada  soo saartay  oo aad kala  badh siisay  reerkiina kala badhkii kalena aad SOMALILAND reerihii kale u qaybisay oo dhaba ah  oon kuu soo daabici doono liisaskaa iyo wareegtooyinkaa ma waxaa arintaa  lagala xiaabtamaayaa Dahab shiil mise  mise ninka iyo  islaanta wadhatada ah mise adigaa  lagaala xisaabtamayaa Madaxweyne  training baad u baahantay ah in khudbadaha laguu  soo  diyaariyo oo fagaarayaasha aad kaga khudbadayso gole kasta khudbad ku haboon oo dadka u cuntamaysa ayuu leeyahay. waayo  madaxweyne yaasha khudbadaa  at ummadda kula hadlayaa khubaro iyo xafiis qaabilsan baa soo  diyaargareeya oo khibrad kasta oo madaxweyne waxay jihaysaa ummadda. Madaxweyne haddii xafiiskaaga  boqolkiiba sideetan  aa isku raas wada tihiin xafiis ummadeed  maaha ma dadka suuqa  marayaa lagala xisaabtamaa mise adiga.

 

Madaxweyne  khudbadii shalay  aad Dabdemiska ka jeedisay waxay  tustay dalka inaad habeenkii habartaada  la shirto maalintii aad dadka u timaadid bulshaduna kula  mid tahay. Adigaana qiray in wadanku meel uu usocdaa aanay jirin oo  aad suaashii adiga lagu weydiinlahaa ee ahayd xaggaynu u soconaa aad adigii  maatidii iyo shacabkii weydiinaysaa  xaggaynu u soconaa. Kol hadday xaaladdaadu halkaa  marayso  jawaabta shacabku waa MEEL AYNU U SOCONAA MA JIRTO MADAXWEYNE.  NINBAA WAXAA LA YIDHII BERIGII LIXDANAADKII IYO KAR BERBERA SUUQA UGU CAMIRAN EE TIJAARTII BERIGAA KA CAMALAYN JIREEN BUU  FADHIISAN JIRAY MARKAASUU  KU QAYLIN JIRAY ' WAAR FIGRAD BAAN HAYAA LACAG MA HAYO '  WAX TIJAARTII IYO DADKII ISKA DHAAFDHAAFAAMBA MAALINTII DEMBE EE UU DHEGIHII DADKA KA BADATAY  ' FIGRAD BAAN HAYAA LACAG MA HAYO ' ayaa maalintii dambe dadku kala geesisane nin tijaartii ka mida ayaa ninkii  u yeedhay  lacag buu u dhiibay oo wuxuu ku  yidhi bal waataa lacagtiiye ummaddii wareerisaye ku shaqee. Ninkii intuu  aroortii kale bartii  ku soo noqday buu qayladii halkiikasii kasii waday isagoo leh  : WAAR LACAGBAAN HAYAAYE FIGRAD MA HAYO.  MUUSAW SODON SANOOD  BAAD UMMADDA  KU WAREERISAY XUKUNKA II DHIIBA FIGRAD IYO HORUUMAR BAAN HAYAA  MAANTA MARKII UMMADDII IYO  XOOLAHEEDII BA LAGU  DHIIBAY  BAAD MAATIDII KU SOO  NOQTAY OO AAD LEEDAHAY XAGGAYNU  U DHAQAAQNAA  DAWLADU INOO SOCONMAYSO. WAR ILAYN ANAGAA YAAB ARAGNAY, WAAR YAA MUSLIMOO FARA DHUUDHUUBAN OO NINKA UMMADDA KA FADHIISIYA.

 

M BASHE

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...