Dhaqaalaha Carabta Oo U Liita Qaanta Sanduuqa Lacagta Lacgta Aduunka Iyo Banka Aduunka 1/1/2020

0
Wednesday January 01, 2020 - 10:28:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaalaha Carabta Oo U Liita Qaanta Sanduuqa Lacagta Lacgta Aduunka Iyo Banka Aduunka 1/1/2020

    Qaamaha ay dalalk carabtu ka qaateen IMF iyo Banka aduunka ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaamaha ay dalalk carabtu ka qaateen IMF iyo Banka aduunka ,

waxay keentay in lagu yidhaah qiimah lacgtiina dhima , taas markii ay yeeleena waxay keentay sixir barar iyo shaqadii oo yaraata, oo dhalin yaro badani ,shaqalaani ku dhacdo , intaas kadibna ay mudaaharaado ka bilaabmaan ,xukumadana la rido ,



Dalak masar waxa uu ka helay qaan dhan 530 billion bishii luulyo sandkii tagay ,sida ay sheegtay wasaarada maalglinta dee dalkasi, taas oo wax laga qaban doono dhinacyada caafimaadka ,shaqo abuurida iyo hagaasjinta nolosha dadwaynha, sida ay cadeeyey wasiirka warbaahinta ,” taageeradini waa tii ugu badanyd ee nooceeda oo kale ah ee soo gaadha bangidha dhexe ee dalka masar” waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in baanka reer yurub uu bilowgii bishii ogosto ay siiyeen qaan dhan 205 Billion oo (euro ) ah , si loogu hore mariyo dhinacyada horumarka , waxa kale aanu ka rajaynayaa sanduuqa lacgta aduunka (IMF ) in uu bisha soo socota ee luulyo aanu ka rayeynaynaa qaan dhan 2 Billion oo doller ayna masar bixin doonto lacag dhan oo  qiimaheedu ,marka la xisaabiyo lacagta uu leeyahy sanduuqa lacgta aduunku ee uu naqdi ahaan u bixiyey,sanduuqa lacagta aduunku wax uu heli doonaa 8 Billion oo dollar oo dayntiis ah marka la raaciyo dulsaarkii la saarayn waxa uu helayaa 12 Billion oo dollar, waxaanu cadeeyey banka dhexe ee masar  ugu danbayntii sheegay in qaanta lagu leeyahey ay gaadahyso 88.2 million dollar .oo  lagu daray 19.3%  oo marka loo eego faaiidadii la saaray,


 Dhanka kale dalka  Lubnaan waxa uu ka faaiiday xagaagii la soo dhaafay , taageero maaliyadeed oo dhan 400 million oo dollar ,si loogu sameeyo mashaariic jadiid ah oo dhalin yarada shaqo loogu abuurayo, laguna tirtirayo anshax xumada dhalinyarada , waxana lagu sii bilaabi dona  lagun abuuri doonaa 52 shaqo oo sii jiri doona, iyo 12 kun oo shaqooyin yar yar ah oo mudada gaaban jiri doona, sida uu qoondeeyey bangiga caalmku  2.2 million oo dollar  oo la doonayo in wax laga qabanayo dhaqaalah, dhanka kalena in lagag faaiidaysto qaan dhan 120 million oo doler oo klae in lagu xoojiyo cafimaadka iyo tababaro ku saabsan sare u qaadda dhaqaalah sii liicaya ee dalka Lubnaan, qaanta lagaga leeyahay Lubanan dibada waxay gaadhaysaa 145.94 billion dollar ee sandkii 2017kii , sida ay sheegeen bangiyada  dalku,  

 

Hadii aynu eegno dalka Maroko waxa uu isna ka helay taageero maaliyadeed baanka caalamka taas oo dhan 125 million oo dollar oo lagu hour marinaayo mashariicda tamarta qoraxda , waxaanu sheegay banka caalamku  si adag u sheegay in lacagtan waxa laga qaban doono saldhigyada tamarta cadceeda  oo dalkoo dhan  horumarintooda,waxaa kale oo Marooko heshay lacag qaana kale  oo dhan 172 million oo ka timid baanka aduunka oo wax laga qaban doono mashaariic horumarineed oo  oo lahu dhisaayo magaalada (daarul  baydaa) , waxaa kale oo ay Marooko saxeexday heshiis bishii 8dii December ee sandkii 2018 ,kaas oo dhex mary banka  horumarinta afrika qaan dhan 200 mallion oo doller oo lagu hour marin doono dhinacyada horumarinta beeralayda iyo wax soo saarka beeraha, waxaanu cadeeyey maamulah qasnada dowlada ee wasaarada dhaqaalaha waxa uu cadeeyey oo uu kashifay in qaanta lagu leeyahy dalka Marooko ay dhan tahay ay sare u kacday tiro dhan 692 Billion oo dollar sandkii 2017kii oo uu dhiganta 72.4 million oo dollar 657 million oo dirham ee sandkii 2016kii 68 million dollar,

 

Sidoo kale dalka tuunis waxa uu helay taageero maaliyadeed oo dhan 500million oo doller si uu ugu hagaajiyo horumarinta dhaqaalaha ,waxaa kale oo uu heshay dayn dhan 100 million oo dollar bishii may ee sandkii tagay 2018 , si ay waxa ugu qabto dhinacyada tacliinta ,sida ay cadysay dowalda tuunisya  bishii tagtay waxay qaan ka heshay Baanka caalamka taas oo dhan 492 million oo dollar si loogu curoyo oo loogu taageero miisaaniayada xaaldan taagan ee dhinaca dhaqaalah ee dalka tunisaya ,marka aynu ka egno dhinacana tuunisaya uma suurogali doonto sanadah soo socda qaan cusub ,maxaa yeelay daynta guud ee lagu leeyhay oo gaadhay 69,9 % , ee natiijada qowmigaa sanadkii 2017kii ,

.

Million iyo badh doolar ayuu dalka Urudun isna helay si uu ugu horemariyo siyaasada horumarinta (development bulshada  ) looguna tala galay dabaqada faqiirkaa (poverty ) iyo caqabada  dhaqaalaha, iyo kordhinta shaqooyinak iyo waxa soo saarka (production ) ,waxaa kale oo taageero maaliyaded ka ka heshay  Urdun dalka Jarmalka taas oo dhamayd 100 million oo dollar, si ay ugu taagerto dhaqaalaheeda boqor tooyada Haashimiyadu, waxa kale oo Urdun ka heshay Banka caalamka qaybtii sadexaad ee qaan ah oo gaadhaysa 500 million oo dollar . warbixintii ugu danbaysay ee wasaarada maaliyada Urdun waxay kashiftay in daynta lagu leeyahy dalka guud ahaan ay dhan tahay 38,7 Billion dhamaadkii sandkii 2018kii ,

 

Dhaamaan Qaamhaas oo dhami waxaa loogu talo galay in ay dalka carabta ka dhigaan kuwo dib udhacay oo ka hadha tartanka caalamigaa ee dhinaca horumarka, dhaqaalaha dalalkooda , warbixin ay soo saaray Banka aduunka iyo hayada uqaabilsan horumarka caalamka waxa cadeeyeen  in dhaqaalah dalka carabtu uu si aad ah xunyahay, marka loo eego cabirka dhaqaalah dalka,  Urdun waxa uu dhacaa darejada 65, Maroko darjada 71 ,xaaldan waxay is soo istaagtay Ajeeriya darjada 86, halak tuunisya haysato darjada 95 , halak Masar haysato derejada 100 ,Lubnaan taagan tahay darjada 105, ay la mid yahiina Muritaaniya iyo Yaman , dhanka kale dalalka Imaaraadka  sida  Qadar ay taagan yahiin darjada 17 caalmiyan ,martabada labadan 25 badhkood ku jiro .iyada Suudaan ,Suriya , Iraq iyo somaliya  , haba sheegin , 


Si kastaba ha ahaatee , waxa aynu og nahay khalkhalkii dhaqaale eek u dhacay dalka Aasiya sandkii 1997 kii, waxa uu Madxwaynhii Maleesiya mahatiir Maxamed ku difaacay xaaladaas kuna badbaadiyey dhaqaalahii Maleesiya ,” diidmo uu diiday fikradii iyo iqtraacii ay u soo jeediyeen sanduuqa lacagta aduunku iyo baanka aduunku  , taasoo ay indooniisya fikirkaa ogolatay ayna ognahay waxii ku dhacay ee indooniisiya sandkii 1997kii, ee galaaftay madaxwaynahii suhaarto iyo qoyskiisii,

 

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...