Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac ( Abdi-shotaly).

0
Thursday March 28, 2019 - 09:48:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac ( Abdi-shotaly).

    Marmar-sinyaa muska ii galay, iyadda oo in gaar ah la doonaayo, oo cadaan ah, cidna aan ka qarsoonayn, bay doonayaan in wax aan jirin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marmar-sinyaa muska ii galay, iyadda oo in gaar ah la doonaayo, oo cadaan ah, cidna aan ka qarsoonayn, bay doonayaan in wax aan jirin iyo khiyaali-gooddii lagula soo meeraysto ummadda, laakiin ma oga in laga sii horeeyo, oo xag walba laga xigo, hadba dhan isku qaad, meel aan loo jeedin ummadda lagu jaha habaabiyo, iyaka oo uu mab-da'oodu sidda cadceedaas u widh-widhaaya, loona ham iyo dig leeyaahy ujeedo qudha. aan hoos u daadego'e, Waxad ka maqlayseen askariga cirka ku faruur xidhan, oo ku jirtay sheeko nacastii uu ka hor akhriyaayey Baarlamaan ku sheega, ( Intoodda badani isaga hoos yimaadaan), ee siddii hal rimay ah dabadda u ruxaya in bishan 29-keedda ( oo ku beegan jimcaha), uu kala diri doono Gole-yaasha Deegaanka, hadaba sidaasi ma suurto-gashaa bay idin-la tahay? Ummadu waxay leedahay wax caqliga gala maaha, ha-yeeshee maskaxdda askriga waau caadi, in ay sidaas samayso, waxa-se la is waydiinayaa maxaa ku kelifay? jawaabtii oo kaamil ah, hoos ka akhri muwaadin. waxa kale oo aad bal ka fekertaan, haduu kala diro, yaa u soo ururinaaya baadda uu ka qaado islaamaha fadhiya wadhatadda, soo maaha dhako kale?, Ma kuu cadahay in meel gaar ah weerar lagu yahay, ee aan waxa laguu sheegayaa aanay run ahayn.

Onkodaw dhac oo xeeshaadhc waa xikmad wax ku ool ahe, hadhaw bay odhan layma heesin, layla-ma hadlin, doob hurday helaye, Sababta loo sii kala deynayo Xildhi-baanadda Deegaanka, wax kale maaha ee waa dabaal-joog-tayn iyo ciyaatii caadiga ahayd iyo ujeedo ka sii weyn, taas oo ah " Waxa keliya ee la doonayaa-na ay yihiin, siddii meesha looga qaadi lahaa Maayarka keliya ee magaalo weyn jooga, kaas oo aan jeegaanta ahayn waa Ismaaciil Xaaji Nuure ( waa Maayarka Ceerigaabo'e), siddii looga wareejin lahaa, oo uu ugu dhiibto mid isaga kaba qaad u ah ( Jeegaana ah). wax kale looma socdo. ogawna akhristaw, laga qaadi maayo ka uuska buuran ee ay ugu yeedhaan Solteco, oo imika xaal-kiisu ku sugan yahay, tixddii Ismaaciil Mire, murti ku jirtey, kana hadlaysay mid sidda noociisa kibir uurka dhaamiyey, murti-daas oo ahayd "Ma kash-bacay, kelyuu may kareen, kadab la'aan-taydda", sidoo kale la bedeli-maayo Cidinka Berbera, Ka La yidhaaho "Maraan"ee Burco iyo kuwii ay khasabka ku bedeleen ee Boorama iyo Saylac. waxa-se meesha yaala, taasi ma ka dhici kartaa Ceerigaabo mise waa maya? Aynu eegno uuraysa-taye, oo belaa ka hig lehe, halkay ku dambayso, waxan qabaa in uu askarigu soo dedeji-naayo, goortii iilka lagu ridi lahaa, inta aan tii alle-ba u iman.

Waxa la yidhi " riyo luga-hoodda bay sakal ay arkayaan ku doon-taane", kani haduun buu bad galay, xadhiggii lagu loo maleegay uu dubuq u yidhi, ilayn waa tii la yidhi damaca badani halaag buu kugu damabay-siiyaaye, imika buu wed-kiisii ugu tegay xabaashii la dhigi lahaa, markuu Ismaaciil Xaaji Nuur damcay in uu bedelo. Hadalka hadaan halkiisa loogu tegin . oo aan runta laga sheegin, wuxu dhalaa munaafaqad iyo in la iskula meeraysto wax aan jirin, Askarigan bilaa maskaxdda ah, ee aan hor iyo daba kala lahayn, waxan u sheegayaa, in uu isagu iska soo dhaweeyey, shimbir duul-duul badan, iyo hal laba geel ka dhaxaysa, labaduba cilaa ciirsi-laa bahal ku haleyaaye, waxa cadaaday caleen-tiisii, waayo waxa hore loo yidhi dhidar xabaalo qodaa, qudhun buu uga dhaadha-caaye, isi soo gabtay geb-gebtii iyo waaliddii lagu jirey, oo goortii uu ciinka daaqi lahaa buu isku soo kediyey, Somalidu wax walba hore bay u sii sheegtay, waxay tidhi " Doqon kibirtay iyo nacas ku hoos nooli-ba, markuu xaal ku xumaado, bay baf-baf-laysaaye" kana oo ay weliba cuqdad iyo nacayb reer iyo wax aanu ahayn oo uu is mooday u raacsan tahay, wuxuu taaiyrka soo rogo-ba, hadau k ban-jaray cirka iyo dhulka meel dhex-dooda ah, oo mishiinkii uu ku socday uu isku daray sa;liiddii iyo biyihiiye, yaa u kala safayn, cidluu beerka dhigye.

N.B Marmar-siiyaa Muska Ii Galay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...