Maanso Soo Dhawaynsa 2020 Somaliland U Rajaynasaa Ictiraafsomaliyadaana U Ducaynasa

0
Tuesday December 31, 2019 - 18:19:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Soo Dhawaynsa 2020 Somaliland U Rajaynasaa Ictiraafsomaliyadaana U Ducaynasa

    Sannadkan allahayoow Inagoo dhig mid khayroo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkan allahayoow Inagoo dhig mid khayroo
Somalilandtan inagana
Dawladnimada u xooji
Ictiraafka buuxiyo
Caleenkeeda u quruxsan
Tawxiidkii ilaahay
Astaantiisu ay tahay
Dusha sare u geeyoo
Arladeena barakee.
Somaliya ammaan-iyo
Xasiloonu u gogoloo
umadeeda oo dhan
Dhan qudha u jeediyoo
Marna Ha iilin eeboow.
Somalida galbeed iyo
Awaarada qurxooniyo
Jigjigadaa akteenee
U iftiintay xorriyadu
U siyaadi eebbo.
Jabuutida amaanta lee
Khayrkiyo ixsaankalee
Dawladnimadu u dheertiyo
Ileyskeeda daaran
U siyaadi eebboow.
Nfd aroortan
Sida iyagu doonayaan
U hirgali ilaahoow.
Islaamkiyo dhamaantiyo
U gargaar ilaahoow
Khayr badan ugu dar.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...