Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkii Caanka Ahaa Ee Ka Geeriyooday Qaarada Afrika

0
Tuesday December 31, 2019 - 01:49:50 in News by
  • Visits: 2536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkii Caanka Ahaa Ee Ka Geeriyooday Qaarada Afrika

    Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkii Caanka Ahaa Ee Ka Geeriyooday Qaarada Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkii Caanka Ahaa Ee Ka Geeriyooday Qaarada Afrika

Sawirada qaar ka mid ah dadkii caanka ahaa ee geeriyooday

Waxaan dib u milicsaneynaa qaar ka mid ah dadkii caanka ahaa ee Afrika ka soo jeeday kuwaasoo sanadkan dhexdiisa geeriyooday.

January

  • Oliver Mtukudzi, fannaan ka soo jeeda Zimbabwe, 66:


Wuxuu soo caan baxay sanadkii 1970s isagoo qaadi jiray heeso ku saabsanaa la dagaallankii xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay ee dalkaas. Ninkan oo loo yaqaanno "Tuku", wuxuu sidoo kale dadka ka wacyigelin jiray xanuunka HIV/Aids.


Houari Manar, Fannaan ka soo jeeda Algeria, 37:


Wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta ugu caansan Algeria, ee lagu yaqaannay heesaha dhaqanka. Wuxuu geeriyooday xilli lagu sameynayay qalliin qurxin ah. Dadka isaga cambaareeya ma aysan jecleyn sida uu heesihiisa ugu soo bandhigi jiray arrimo xasaasi ah in laga hadlo, sida dadka isku jinsiga ah ee is guursada.


Hugh Lewin, qoraa u dhashay Koofur Afrika kana soo horjeeday kala sooca dadka, 79:


Wuxuu sanadkii 2003 ku guuleystay abaalmarinta Olive Schreiner Prize, isgaoo ku muteystay buugga uu ugu magacdaray Bandiet Out of Jail ee ku saabsan xiritaankiisii muddada toddobada sano ah.


Ahmed Hussein-Suale, weriye wax baara oo ka soo jeeda Ghana, 31:


Waxaa lagu toogtay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee Accra, wuxuu ka tirsanaa kooxda Tiger Eye Private Investigations wuxuuna baaritaan ku sameeyay musuqmaasuqa ka dhex jira xiriirka kubbadda cagta Ghana. Booliiska ayaa rumeysan in loo dilay shaqadiisa darteed. Police believe he was killed because of his work.


February


Bisi Silva, farshaxaniiste u dhalatay Nigeria, 56:


Waxay ahayd aasaasihii Xarunta Farshaxanka ee Lagos iyo iskuulka Asiko Art School, waxay sameysay barnaamijyo dhowr ah oo lagu muujinayay farshaxanka Afrika waxayna sanadkii 2014 BBC-da u sheegtay muhiimadda mashruuceeda lagu keydinayo howshii uu qabtay sawir-qaade JD Okhai Ojeikere, oo ay sheegtay inuu barnaamijyo ka sameeyay dhaqanka iyo caadooyinka sii dhimanaya.


France-Albert René, madaxweynihii hore ee Seychelles, 83:


Afgembi ayuu talada dalkaas kula wareegay sanadkii 1977 - sanad kaddib markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay UK - wuxuuna jasiiraddaasi ku taalla Badweyna Hindiya xukumayay 27 sano. Taageerayaashiisa ayaa bogaadiyay inuu hirgeliyay barnaamijka horumarinta bulshada, balse dadka qaar ayaa cambaareeya xukunkiisii.


Dorothy Masuka, fannaanad qoob ka cayaarka caan ku ahayd oo ku dhalatay Zimbabwe balse ka soo jeedda Koofur Afrika, 83:


Mid ka mid fannaaniintii ugu caansaneyd Koofur Afrika sanadihii 1950-meeyadii, inta badan heesaheeda xilligaas ayay qaadday. Balse markii ay ku dhiirratay inay sameyso heeso siyaasadeysan - mid loogu magac daray raysal wasaarihii necbaa kala sooca dadka ee Daniel Malan iyo mid kale oo ay ku saadaalineysay geerida hoggaamiyihii Congo Patrice Lumumba, dalka ayaa laga tarxiilay muddo 30 sano ah.


Caroline Mwatha, qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo u dhalatay Kenya, 37:


Waxaa lagu yaqaannay diiwaangelinta dilalka shaci darrada ah ee booliiska, waxaa la weysanaa muddo shan maalmood ah, kaddibna waxaa meydkeeda laga helay halka meydadka lagu keydiyo, iyadoo magac aan keeda ahayn loo diwaan geliyay. Dowladda ayaa sheegtay inay u geeriyootay dhibaatooyin la xiriira ilmo iska soo ridid sharci darro ah. hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in geerida haweeneydaas ay "dharbaaxo weyn" ku tahay dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee Kenya.


  • Charles Mungoshi, qoraa u dhashay Zimbabwe, 71:

Qoraa iyo abwaan dunida laga yaqaannay ayuu ahaa, wuxuu labo jeer ku guuleystay abaalmarinta Buugga ugu Fiican ee Commonwealth Writers ee Africa - sanadkii 1988 iyo toban sano kaddib. Buuggiisii ugu horreeyay ee sheekooyinka gaagaaban, Coming of the Dry Season, ee la daabacay sanadkii 1972, ayaa waxaa mamnuucday dowladdii caddaanka laga tirada badan yahay ee xilligaas.

  • Chris Kantai, xiddig qoob ka cayaarka caan ku ah oo u dhashay Kenya, 40:

Ninkan oo sidoo kale loo yaqaannay "Katanda", waxaa loo aqoonsaday inuu ahaa mid ka mid ah xiddigaha qoob ka cayaarka ugu fiican Kenya.


March


  • Med Hondo, filim sameeye u dhashay Mauritania, 82:

Waxaa loo arkayay mid ka mid ah aasaasayaashii shineemooyinka Africa, wuxuu markii hore sanadkii 1967 ku guuleystay filinka Soleil O. Wuxuu ku saabsan yahay tahriibe Afrikaan ah oo da`yar oo ku nool Paris, kaasoo soo bandhigayay midab-takoorka ka jira Faransiiska. Sida laga soo xigtay Okay Africa, wuxuu sidoo kale caan ku ahaa inuu afka Faransiiska ku tarjumi jiray aflaanta Hollywood-ka isagoo matali jiray atoorayaasha sida Eddie Murphy iyo Morgan Freeman.


  • Okwui Enwezor, keydiye farshaxan oo u dhashay Nigeria, 55:

Waxaa lagu bogaadiyay doorkiisa ku aaddan in farshaxanka Afrika laga aqoonsado adduunka. Wuxuu ku dhashay Calabar, kaddibna wuu ka tegay Nigeria isagoo jaamacad u aaday New York halkaas oo uu ku aasaasay Nka, oo ahaa wargeys ka hadlaya farshaxanka Afrika ee horraantii sanadihii 1990-meeyadii. Sanadkii 2015, wuxuu noqday Afrikaankii ugu horreeyay ee keydiya farshaxanka ee ka mid noqda Venice Biennale, 120-ka sano ee ay jirto.


  • Bernard Dadié, qoraa u dhashay Ivory Coast, 103:

Wuxuu wax badan ka qoray ku hoos noolaashaha xukunka gumeysiga.


  • Gabriel Okara, abwaan iyo qoraa u dhashay Nigeria, 97:

Waxaa loo aqoonsaday abwaankii ugu horreeyay ee xilligan ee dalalka Ingiriiska looga hadlo ee Africa, wuxuu sanadkii 1964 ku soo caan baxay The Voice, oo ah buug yar oo uu ka tarjumay afkiisa Ijaw kuna tarjumay luqadda Ingiriiska.


  • Simaro Lutumba, muusikiiste u dhashay Congo, 81:

Wuxuu musikiiste sidoo kale sameeya heesaha. Wuxuu ka tirsanaa kooxda TPOK oo fanka muusikada ugu heystay sanadihii 1960-meeyadii. Geeridiisa ayaa loo arkaa mid soo afjartay xilli muhiim u ahaa fanka Congo.


  • Pius Adesanmi, caalim u dhashay Nigeria iyo Canadia, 47:

Wuxuu ahaa agaasimihii machadka barashada cilmiga Afrika ee Carleton University ee dalka Canada, wuxuu ku dhintay diyaaraddii Ethiopian Airlines ee ka soo duushay Addis Ababa una socotay Nairobi ee burburtay. dad badan ayaa kala socday baraha bulshada, halkaasoo uu ka cambaareyn jiray dowladda Nigeria.


April


  • Richard Mouzoko, dhaqtar u dhashay Cameroon, 42:

Waxaa lagu toogtay hoteel ku yaalla magaalada Butembo ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, halkaas oo uu ku daweynayay bukaannada cudurka Ebola. Ururka Caafimaadka Adduunka ee QM(WHO) ayaa bogaadiyay dhaqtarka, iyagoo sheegay inuu aad u jecala caafimaadka bulshada iyo inuu caawiyo dadka daaweynta u baahan.


  • Alfred Taban, weriye u dhashay Suudaanta Koofureed, 62:

Waxa uu ahaa aasaasha iyo tifaftiraha wargeyskii ugu horreyay oo madax-banaan ee dalkaasi Suudaan, waxaa la daah furay wargeyska sannadkii 2000. Waxa uu sidoo kale wararka usoo tabin jiray BBC-da, maamulka Khartoum ayaana dhawr jeer xabsi dhigay.


  • Papy Faty, Cayaaryahan ree Burundi , 28:

Waxa uu muddo dheer ka cabanayay wadna xanuun, waxa uuna istaagga ka dhacay xilli uu ka qeyb qaadanayay kulan lagu qabanayay Eswatini. Kulankiisii ugu horreeyay ee qarankiisa waxa uu saftay bishii June ee 2008-dii.


May

  • Fred Brownell, Naqshadeeyihii calanka Koonfur Afrika, 79:

Waxa uu naqshadeeyay calanka qaranka dalka Koonfur Afrika, waxa uu caan ku ahaa dhaqamada kala duwan ee Afrika. Waxa uu sidoo kale naqshadeeyay calanka dalkaasi Namibia.


June

  • Mohammed Morsi, Madaxweynhii hore ee dalka Masar, 67:

Waxa uu ahaa madaxweynhii ugu horreyay ee si dumuqraadiyad ah loo doortray blase sannad oo kaliya markii uu xafiiska joogay waxaa sannadkii 2013-kii afgambiyay milatariga. Waxa uu ahaa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ee haatan laga mamnuucay dalkaasi Masar. Waxa uu istaagga ka dhacay isagoo taagan maxkamaddii uu saarnaa.


  • Seare Mekonnen, Talihii milatariga Itoobiya 64 or 65:

Waxaa magaalada Addis Ababa ku toogtay ilaaladiisii gaarka ahayd, isagoo isku dayayay inuu ka hor tago isku day afgambi. Waxaa la dilay isagoo hal sano oo kaliya ah taliyaha milatariga.


  • Bob Collymore, Ganacsade , 61:

Waxa uu ahaa maareyaha shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in noloshiisii dhiiragalinta lahayd ee muhiim u tahay dunida oo dhan.

  • Hodan Nalayeh, Weriye Soomaali ah, 43:

Waxa ay ku dhimatay weerar ay Al-shabab ku soo qaadeen hudheel ay ku sugnayd oo ku yaalla magaalada Kismaayo. Waxay ku soo barbaartay dalka Canada balse Soomaaliya ayay dib ugu soo laabatay sannadkii la soo dhaafay waxayna caan ka ahayd baraha bulshada oo ay Soomaalida ka dhiiragalin jirtay.


  • Beji Caid Essebsi, Madaxweynaha Tunisia, 92:

Waxa uu ahaa madaxweynahii ugu da'da weynaa dunida markii uu dhimanayay, waxaa uu sidoo kale ahaa madaxweynhii ugu horreeyay dalka Tunisia oo si xor ah loo doortray 2014-kii.


August

  • Uyinene Mrwetyana, Araday Jaamacadeed oo u dhalatay Koonfur Afrika, 19:

Kufsigii iyo dilkii loogu geystay magaalada Cape Town ayaa horseeday dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.


September


  • Robert Mugabe, madaxwqeynhii Zimbabwe, 95:

Waxa uu soo afjaray gumeysigii caddaanka, waxa uuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Singapore. Jagada ayaa laga tuuray 2017-kii ka dib 37 sano oo uu dalkaasi xukumayay.


  • Zine al-Abidine Ben Ali, Madaxweynihii hore ee Tunisi , 83:

Waxa jagada laga tuuray sannadkii 2011-kii ka dib markii ay bilowdeen kacdoonadii Gugii Carabta. Waxaa uu dalkaasi xukumayay muddo 23 sano ah. Waxa uuna ku geeriyooday dalkaasi Sacduui Carabiya.


November

  • lmaas Elman, Somali :

Waxay ka soo jeeddaa qoys caan ah oo nabadda u ololeeya, waxay xilliyadii dagaalka sookeeye ku soo barbaartay dalka Canada. Dowladda ayaa sheegeysa iney xabad hawaaw ah ku dhacday markii la dilayay. Aabaheed Elman Ali Ahmed waxaa lmagaalada Muqdisho lagu toogtay 1996-dii.

December


  • Ahmed Gaid Salah, Talyihii Ciidamada Aljeeriya 79:

Waxa uu Abdelaziz Bouteflika ku cadaadiyay inuu is casilo bishii April. Waxaa uu ka mid ahaa halyeedii xorriyadda usoo dagaalamay.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...