Cali Baqdaaddi:-Tuhunnada Ku Xeerran Dhismaha Hotelkiisa!
,
Hargeisa(HWN):-Waxaad
la socoteen dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay Guddoomiyaha Baanka
dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaaddi), oo
Warbaahinta horteedda kaga faannaaya innuu dhistay Hotel wayn oo
casriya, waxaannu sheegay inay Hargaysi u baahan tahay Hotello badan.
Guddoomiye
Cali Baqdaaddi waxa uu daboolka ka qaadday in marka uu dhammaystirmo
Hotelkan uu gacanta ku hayo, innuu rajaynaayo dhismaha Hotel labbaad oo
casriya, kaasoo uu sheegay innuu ka hir-gelin doonno Xaafadda Masalaha
ee koonfurta Caasimadda Hargeisa.
Haddaba,
su'aalaha iswaydiinta muddani waxay tahay xaggee ayay lacagtaasi ka soo
gashay guddoomiye Cali Baqdaaddi? Ma lacagtii Shacabka masaakiinta ah
laga soo aruuriyay-baa? Cali Baqdaaddi ma sheeggaa meesha uu lacagtaas
ka keennay? Ummadda reer Somaliland ma u baahan yihiin inay ogaaddaan
Guddoomiye Baqdaaddi meesha uu Hantidda intan leeg ka keennay inay
Cashuurtooddii tahay iyo in kale? Maxaa Hotelka Cali Baqdaaddi Ciiddanka
loogu wareejiyay ee qofkii Camara ama Mobile la ag-maraba Xabsiga loo
dhigaa? Haddaan xatooyo qaran jirin maxaa Xadhig iyo awood Ciiddan
keennay? Adiguba caqlaad leedahee maxaa habbeenkii sacabka loo tumaa,
haddaan xeeladdi ku jirin?!
Dhammaan
su'aalahaasi waa kuwo u baahan innuu Guddoomiye Cali Baqdaaddi uga
jawaabo Shacabka reer Somaliland. Waan hubbaa inaanu Guddoomiye Cali
Baqdaaddi madal furan aannu kaga jawaabbi karin tuhunnada ku xayndaabban
siyaasaddiisa ku dhisan ganacsiyaynta iyo ka faa'iidaysiga kursiga uu
Madaxweynuhu u igmadday innuu ugu shaqeeyo ummadda reer Somaliland.
Soomaalidu
waxay odhan jirtey "Mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii siddo" Waxaan
uga socdaa toddobaadkii aynu soo dhaafnay dhismaha hotelka Guddoomiye
Cali Baqdaaddi ee Caasimadda Hargeisa waxa lagu xidhay laba Arday oo
sida naloo xaqiijiyay dhismaha hotelka meel u dhaw taagnaa oo Ciiddankii
ilaalinnaayay uga shakiyeen inay Sawirro ka qaadayeen dhismaha Hotelka.
Wararka
aannu ka helnay Xadhiga labaddaas Arday waxa kaloo ay sheegayaaan in
labadda Arday ay la soo baxeen Mobille-doodda, isla markaanna ay Sawirro
ka qaadanayeen dhismaha Hotelka Guddoomiye Cali Baqdaaddi.
Si
kastaba ha ahaatee, maxay tahay Cabsidda uu ka qabo Sawirka Guddoomiye
Cali Baqdaaddi? labaddan ruux ee dhalinyaradda ahi Sawir ha qaaddaan ama
yaannay qaaddinne waxa muuqata in Guddoomiye Cali Baqdaaddi uu sameeyay
Xatooyo qaran, isla markaanna uu Hantiddii qaranka ee Masuulka looga
dhigay uu uga faa'iiddaystay hab musuq-maasuq ah oo sharciyadda dalka
iyo sharciga islaamka xadgudub ku ah, waxaanna taas u dalliil ah
ficillada gurracan iyo awoodda Ciiddan ee uu isticmaallaayo,
hase-yeeshee waxa iman doonta maalin waxkastaabba ay caddaan noqon
doonnaan.
Faallo:-Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...