Daarodkuba Way Shiraan, Iyagoo Dalal Badan Xukuma, Dirkiina Hadduutashaday, Muxuu Cagjar Diiddan Yahay.
HAMBALYO IYO BOGAADIN SHIRKA DIR EE BOORAMA.
1-DAARODKUBA WAY SHIRAAN,IYAGOO DALAL BADAN XUKUMA,
DAWLADIYO SHACAB KALA LAHAYN,WAXAY DOONAAN FALAAN,
DIRKIINA HADDUU TASHADAY,MUXUU CAGJAR DIIDDAN YAHAY,
DAFIRE SOMALILAAN,AYAY U DANAYNAYAN DUDAYO YEELKADA,
DOORKEEDDII JABUUTI MEE.IYANA MAYSKA DIIDAN TAHAY.
2-DUULOO ADNA XAMAR KU BIIR, DHAAXAAD U DADAALAYSAYE,
DIRNIMO WAXAY DAARAN TAHAY,SHANTII ISKU DUUBNIDOOD,
INAY DEGELADI MAQNAA,XORNIMO DAAHA LOOGA ROGO,
DAGAAL INAGOON U GELIN,DERISKA KA DHAMAYSANAA.
3-DEGENAANSHAHA GEESKA IYO,DANAHA GOBOLKA KU JIRA,
HADDAY DIIDAAN SIDAAS,INAGOON ISKU DAALINAYN,
NINKAY U DARAANAYSABA,DIRNIMADEENAYNU WADAN,
DUQAYIYO DAWLADABA,DIRKAA BOORAMA DEGOOW,
DUCAAN SOO MARINAYAA,HAWDA DAHABKII HESHEEN.
4-DAARTII CILMIGIYO TACLIIN,DUGSIGII NABADAA DEGTEEN,
DUCAAN SOO TEBINAYAA,ROOBAAN DANAB IYO DABAYL,
DUUFAANO WAX QAADAIYO,DURIYO AAN WAXYEELO WADAN,
ALLAHA DAAYINA SIINE,DUCADA SHEEKHAL BELED SHAMIRA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!