Ramaax Iyo Taageerayaasha Gobolkiisa Garaacaa La Baray Iyo Xadhiggaiyana Wey Isu Isdhiibeen Muse Iyo Kulmiye.

0
Monday December 30, 2019 - 22:08:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramaax Iyo Taageerayaasha Gobolkiisa Garaacaa La Baray Iyo Xadhiggaiyana Wey Isu Isdhiibeen Muse Iyo Kulmiye.

    Dunidan aynu joogno markhaatiga ugu weyn ee been ma sheegaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan aynu joogno markhaatiga ugu weyn ee been ma sheegaha
ah ee Allah  Binu Adamka soo  raaciyey waa Wakhtiga ; wakhtigu been ma sheego, waxaa uu Allah Binuu Adamka Siiyey GARAAD uu wax ku xisaabiyo  oo results ka iyo  sababta dhacdooyinka ku soo  saaro markaa  Xoghayaha Ucid Mr. RAMAAX  WAXA LAGU XIDHAYAA  MAAHA GUDOOMIYE Baarlamaan baad  wax ka sheegtay  waa  arin kii  hore ugu  qornaa  Siyaasiyiiinta  ay isku  haybta yihiin oo dhan ee Safarka awrta reer ka Habar awel ka Xidhiidh furma lagu karbaashay, Awel kama hor iman kartaan. Waa wixii Musharxnimadii Jamaal loo  kala tuuray ee lagaga yeedhsiiyey isku hayb baanu nahay  oo geelaa isugu kaaya jira. Waa wixii  ragga mayalka ka adag ee leh Ina Qabille iyo Gudoomiye Dhamme lagu toogtoogtay laguna xidhayey.  Waa wixii loo garaacay ina Yaasiin iyo Gudoomiyhii Wadani ee Saaxil, waa wixii waa wixii  waa wixii.  Waa wixii  kii ina Robleh ee Saliga Nebiga (csw) ku gabban jiray  ee basaaska KULMIYE u ahaa iyagoo Hoggaanka Wadani ku jira lagu zero geliyey.  (Saliga negihu waxaa ku soo Arooray  Ayaado quraana Allah baa yidhi
KU SALIYA Rasuulka markaa soo hadal qaaddaanba isaguna siyaadad baabuu ka dhigtay uu ku ciyaaro si Public  ah).


Gudoomiyaha Baarlamaanka Bashe  waa nin reerkoodii kasoo ambaday markaa sida jinkaa loo soo dhexgalaa isagu waa QOLOF. M ar waxaa soo dhex  galay Siilaanyo iyo Amina Weris  oo Gudoomiye Cirro  la dagaalamayey. Mar kale iyagii yaa soo dhexgalay oo Gudoomiye nimada ku murmayey Marka wax ansixi  la leeyey  waxaa  soo  dhexgala Suleiman iyo Muse oo iyagaa wax ansixiya  isagu waa qolof la isticmaalo.  Imika Muse Biixi ayaa soo  dhex galay sida ninka Muse ayaa Ramaax xidhay Bashe waxba ma xidhi karo. MARKAA Gudoomiye  Bashe magtiisa  waa inay u soo doontaan Muse iyo Suleiman Gaal iyo Siilaanyo qotskiisa reeraha uu Bashe ka dhashay Magta Bashe ha raadsadaan waa qolof la isticmaalayo.

Sidan imika socotaa Dawladnimo kama soo socoto oo Madaxweyne  walaalkii iyo caruurtoodii baastoolada suuqa la taagan  iyagoo shacaba.

Waxaa socota suuqoo Madax la isku toogto  xukuumadda  Muse  hogaamin ummadeed kama  soo socota  waayo khubadihiisa  sheeko  xumadooda  ayaa Tilmaamaya. Reer  Saaxil  haddaanu nahay  arintaa Ramaax wey  na taabatay  waanaanu la jawaabaynaa. Imika  SOMALILAND  wax la yidhaa qaybsiga ummadda wey ka  baxday  mushahaarooyinka yar uun baan weli  istaagin  iyo  dukaanada e waa  la laabay oo Xaflado meel lagu  qabtaa ummadnimo ma sameeyaan  waar MASAAJIDADA  CIYAARTA KA DAAYA ALLAH IDIN DOORIYE SIDANI DAWLADNIMO MAAHA E.

M Bashe
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...