Xero Bahal Ku Jiro Xoolo Kuma Dhaqmaan ( Abdi-Shotaly)

0
Monday December 30, 2019 - 14:52:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xero Bahal Ku Jiro Xoolo Kuma Dhaqmaan ( Abdi-Shotaly)

    Somalidu waxay tidhaahaa " Qof waashay wuu ladan yahay mooyee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu waxay tidhaahaa " Qof waashay wuu ladan yahay mooyee,
wuu bogsday ma leh" kaba sii darane, maskax cuqdad ku barbaartay-na waxay ku dambaysaa bukaan joogto ah ( A permanent sickness), sidda kan Hargeysa ka hor-joogaha ah, oo madaxa ka jiranaa ilaa iyo intii uu daba ka baydhay, sidiisa-bana aan Rabbi goror-ba ugu shubin madaxa dul saaran. Qofka cayn-kaas ahina, kama dhamaado khiyaali isu sawira, warwa-reeg iyo been uu isku maaweeliyo, waxa hore loo yidhi " Waano dhalan baa ka adag" Qofku wax aanu ahayn iskama dhigi karo, waa laga yaabaa in aad ayaamo canjisho is yeel-yeel, ha-yeeshee ma sii raagto, oo wuxu u dhurta wixii uu ahaa " Sidda Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximan". fakh-fakh iyo maxaad ummadda ku khaladaa kama gaboobo, ee waaggii Alle keeno-ba been cusub iyo ila meerayso halkay u wadi, way soo af go'day taasiye. Waxan uga socdaa oo aan u dan leeyahay, labaddii askari iyo macaan jeceshii ay hor kacayeen, been-tooddii waxay ku soo xidhan tahay, oo ay dhana u dhaafi kari la'yihiin " Wax ay ku marmar-soodaan, oo hoosta ka halwanaaya, taas oo ah " Xeerka iyo Xalka baa la isla raadi-nayaa", Taas waxay ina tusaysaa in geed ay qabsadaan la'yihiin. oo ay kaadh faalso ah kolba miiska soo dhigayaan uu goray-gu ka haaafay, "Alaa-Kariim" Maah-maah Ingiriis ah baa waxay ina leedahay " Tomorrow never comes to end " oo micna-heedu yahay " Beriyi ma dhamaato, maalin kaste oo aad joogto, waxa ka sii dambeeya "Berito" baynu waxaas samayn doonaa. waa qaabka uu askarigu u shaqeeyo'e, oo aan abid soo gaba-gaboo-bayn, kama waantoobo in uu ku celceliyo, beri-beri-beri iyo meel kale oo uu farta ku fiiqo, inta uu hadhuubka genbiyo isagu.

 

 Murti baa ahayd " Xero Bahal ku jiro, xoolo kuma dhaqmaane" Somaliland way ku daysay, oo shadaafaha bay laalaabatay, waxa weeye xaalku hadeer" Tan ka fuulaye Allaw fiihaa". Sarbeed ama murti ah luqadda ingiriisiga baa waxay ina odhanaysaa " All glittering chandeliers are not gold" Oo micna-heedu yahay " Wixii dhalaalaaba maaha dahab". Akhristaw, waa ereyo digniin ah, oo lagu leeyahay ee ha ku jabin ee iska hubso wax, waxa laga yaabaa in ay qaar yihiin naxaas la dhalaaliyeye. Waxan uga jeedaa beentii askarigu waxay ku soo ururtay, oo meel uu uga baxo doon-doonayaa 10/01/2020-ga baa go'aan la gaadhayaa oo ila meerayso ah. waana ina wax kama jiraan aan sal iyo raad lahayn. Maah-maah kale oo iyana Ingiriisi ah baa ina faraysa " A liar never clears his/her tongue" oo iyana ah " Beenaaluhu weliggii ma cadeeyo carrab-kiisa" ee wax baa u laaqan lagu hoos qarinayya aan dhab ahayn. Ujeedadda laga leeyahay waxay tahay, weliggii ma sheego wax cadaan ah, ee wuxu isku qariyaa ciiro iyo hadal dedan oo laba afle ah, ilayn waa lagu garanayaa waxa uu sheegaayo'e. Markaas waa in uu kolba dhinac ku dayaa, bal in ay u hir-gasho, oo uu wax ku dagi karo. Waxan intaa sii raacinayaa xikmad carbeed oo iyana ku odhanaysa " Laa tasdaq, kulmaa tasmac" Waxay tanina inoo biniixi-naysaa in wax la iska hubsado, wuxuu yahay micnaha ku jiraa " Wixii aad maqasho-ba ha rumaysan" bisha soo socota 10-keedu ma foga, laakiin waxa fogaynaaya kaynu naqaanay, ee waa ku raad gado, maalini-ba maalin ha kuu sii dhiibto, oo aad cimri dherer ka dhigatid. 

 

Muwaadin murti somaliyeed baa iyna tidhaaha " Maan-tana far baan maydhayaa hay fadhiyo geello" oo micna-heedu yahay, ilaa yoomal-qiyaamaha iga dhul suga, wakhti ma leh oo haduu mudeeyo waa lagu soo qabanayaa, markay ayaantii uu qabsaday timaado, waxa lgu meeraystaa " Xal iyo xeer" aan jirin baa la isla eegayaa, hadda waa kuu indhaha ka riday distoorka uu sheegayaa, siddii gabadh laxoox qooshaysa, buu isku walaaqay sharciggii dalka uu laha, misana uu ka raad gadanayaa boogta ku taal, ee siddii shimbirkii daa'uuska aan dawo lahayn. wax-ba so ma wado maalinta la sheagayo, ee qabyo waa halkeddi iyo sheeko kale oo ay hadana soo macmalaan. Waynu og-nahay inaany wax-ba ka go'in ee ay yihiin beenaala-yaal xun. Ugu dambayn waxan ku soo jaray qoraalkan, sarbeeb ay isticmaalaan dadka ku nool  tuuladda loo yaqaano Jabuuti, ee uu u cago juleeyo ka u seediga ah askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee mar kaste uu fijaanadda muqmadda ah u sii qaadaa, murti-daasi waxay ina baraysaa, sheeko lagaga dhaqmo halkaas, taas oo ah  " Safaral-danaakil, kuli-yoom baakir" Taas oo shara-xeedu yahay, "Socdaalka danaakishu maalin walba waa kalahaad", Ujeedadu waxa weeye, cishaddii Alle keeno-ba waa kalahaynaa bay yidhaahaan, mana sameeyaan, habenkiina waa u sii balamaan socdaalka, hadana ma dhacdo in ay kaga dhabeeyaan. Waxan ku soo gunaanaday hadal iyo dhamaantii, Waa halkii Mujaahid Cabdi Ibraahime, ha ku jirto ila-meerayso iyo daba ka wareeg.

 

* N.B Waano Dhalan Baa Ka Adag!

Qore:- Abdi-shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...