Maansada Dareen Guud

0
Monday December 30, 2019 - 09:49:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Dareen Guud

    Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish),Maansadan waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish),Maansadan waxay

 si guud uga hadlaysaa dac-darada iyo dhibaatada ka taagan koonfurta soomaliya taas oo qayb weyn oo dunida ahi ay la socdaan dhibka ka jira.

Maansada wuxu abwaanku isku waydiinayaa waxaas oo dhibaato ah yaa wadankeena kuwada yaa baa’ba inoo horseeday waxaanu yidhi:

vYaa gumaaday dadkeenii

vYaa damiirkii dhaawacay

vDadnimadii haboonayd

vYaa dabargooyey haldoorkii

vDijaar hoos qarsooniyo

vYaa noqday qof daalina?

vYaa duulka soomali

vU diiday noloshoo

vDhiigooda daadiyey?

vDuruustii xadiiskiyo

vDigrigiyo quraankiyo

vYaa dayacay diintoo

vDaba maray jidkeedii?

vYaa doqoniimo qaatoo

vDadkooda kala diley?

vYaa dareenkii samaha

vIyo dunidoo wada taal

vYaa duugay oo nacay?

vYaa sharafta duulkay

vDalow dheer ka tuuroo

vDulinimada qaayibay?

vYaa dawladnimadii

vIyo soomali dawadeed

vUmad kala durugtiyo

vKa dhigay duul-cadaawe ah?

vTaariikhda dalkaygiyo

vDura iyo wixii aan lahayn

vYaa ilbaxnimadii duugay?

vYaa beleda igu deyroo

vIi dooray silicoo

vNabadiina ii diiday?

vYaa noqday qof daalina

vDuminaaya dalkiisoo

vDaba dhilifka saacida?

vYaa dibin-daabyiyo

vDabinada shirqoolka ah

vIntuu boholo ii dedo

vKu degsiiyey dadweynaha?

vYaa dabro iyo weerariyo

vDuulaana iigu jira?

vYaa shilinka doorbiday?

vYaa dulucdii ilaahay

vDawgeeda yaan marin

vYaa diiday soomali?

vAdiguna dadow heedhe

vIntii damqanaysaay heedhe

vDareenkoodu joogow heedhe

vTaladii dadkaygiyo

vWanaagoo la dooniyo

vDiintoo la raaciyo

vDanyartiyo saboolkoo

vDantooda la dhowriyo

vDulqaadkoo la bixiyiyo

vDareenkiyo garashada

vIyo dirasho dheeriyo

vKii samaha diidoow

vGodobtiyo daanada

vKii daba galaayoow

vKii doogta kiciyee

vUur doox abuuroow

vBulshadiyo dadweynaha

vDalaa dhacoodana

vNinka daawadee jecelow

vNinka shicibka damqayee

vDiriciyo fariidkana

vDegta kaga joogsanaayoow

vDugaagii arlada cunee

vDuminaayey beeshoow

vBulshadii mideysnayd

vKii kala dilaayee

vDabka laysku qaatiyo

vDaan daan u kala raray

vXayn daab u kala dhigay

vDadkaygii mideysaa

vKu shidaaya dogobkee

vDuminaaya dhalashadoow

vDihaalkiyo gaajada

vKii i nala damcee

vDixdoo madhan iyo

vJecel darkoo gudhoow

vSaadaasha degelkay

vKii u diiday wanaagee

vDuligaa la doonow

vWaligaa dayeysnoow

vDuuflaalku idin laa

vIyo dabaylaha jaan

vDulin hoose idin daar

vDanab idin gumaad

vDaadna idin qaad

vGudcur dam ah habeen dumay

vDaaimoow aloow

vDuulkaa naga dhowr.

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]      0634240189

Loading...
Loading...