Ifaafaalahii Dagaalkii Sadexaad Ee Aduunka 30/12/019

0
Monday December 30, 2019 - 09:37:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ifaafaalahii Dagaalkii Sadexaad Ee Aduunka 30/12/019

    DHAQAALAHA ADUUNKA IYO DAYMAHA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHAQAALAHA ADUUNKA IYO DAYMAHA

Yeedhmada caalamku aad bay sare ugu kacday sidii loo abuurilahaa nidaam maaliyadeed oo caalamigaa oo cusub, kaas oo udhigma laguna joojinayo doolarka , kadib burburkii dhaqaale ee sanadkii 2008kii,taas oo saamayn aad u xoog ku yeeshay suuqaqii aduunka ,horumarkk dhaqaalah aduunkan saameeyey, gaar ahaan dhibaatda uu gaadhsiyey  suuqaqa lacagta yuuroda, taas oo dowlado badi awoodi waayeen in ay iska bixiyaan daymahii lagu lahaa sida Giriiga , iyo saamaynta taban ee ay ku yeeshey  dalaka ,Talyaaniga,Qubrus, Albaaniya , IRLAND ,  daymahoogii  .taas oo kaliftay in dowladhaasi u baahnadaan taageero  taas oo ay ku fidiy  dhamaan jihooyinka yurub, kuna soo noqnoqotay dooda ah  in la curiyo nidaam maaliyaded oo xoogbadan oo xidhiidhiya lacagaha laguna bedlo doolarka

Sikastab ha ahaatee dhaqaalaha aduunka ee  uu qabsaday  dalka maryknku ee uu leeyhay goaan kasatna, wax badana  ku gacan saydhay coddodka ka imanaya dowladah kale ee damacsan in ay qayb ka noqdaan dhaqaalaha aduunka, taas oo dowladah ruushka, shiinaha ay isku dayeen in ay sameeyaan nidaam maaliyadeed oo cusub , suuqaas oo ay ka midka yahiin Turkiga,IIraan,Fansuweela, iyagoo ujeedadu tahay in ay ka xoroobaan nidaamka suuqa ee uu wareejiyo maraykanku, kaas oo u isticmaala cunoqabaytimo dowlad kasta oo ka baxda saxadiisa dhaqaale ee doolarku hogamiyo.

Dhaqaalah koraaya ee shiinahuna waxaa uu rajo u yeelay oo uu siyaadiyeey tiirarka reer yurb ee Gaaska ruushka waxayna siyaadisay firfircoonida midowga dhaqaalaha ee (eurozone), taas oo ka kooban sadex meelood oo meel tirade caalamka, kuwaas oo soo saara boqolkiiba 60%  wax soosaarka caalamka,  taas oo noqotay xulafadasi takaliya ee ka hortagi karta  saamayn kartana hogaaminta maraykanka,

 

 

     ASSaasidii nidaamka   caalamigaaa ee dollarka

Hadii aynu dib ugu noqon tariikh ahaan sidii lagu curiyey nidaamkan maraykanku hormoodka ka yahay ee doolark ,shir ka dhacay holeel layidhaa Bretton wood oo ku yaala washigton, sandkii 1944kii ayaa waxay dowaldahu ka soo qayb galeen waxay isku raaceen in kayd u ahaado doolarka bedelkisa dahabku, marka ay dowladahu dalbanayaan dollerka, laakiin dowlada maraykanku waxay soo saaraty waraaqo badan oo doolara si ay ugu bixiyaan  dagaalkii fitnaam  uu kula jiray , kaaas oo bilaabamay 1956kii oo socday labaadan sano, taas oo madxwaynahii faransiiska ee waqtigaas digool sanadkii 1967kii in loo  bedelo  in doolarka uu haysto faransiisku loo bedelo DAHAB , taas oo dowlado badana uu ku dhiiri galiyey in ay sidaas sameeyaan, arinkaas oo madxwaynahii waqtigaas ee marykanku nixson uu si aad ah u difaacay  sandkii 1971dii in la laalo mucaahadadii marykanku iyo heshiiskiisii Bretton wood ,waxaanu isku taagay in uu caalamka ku xidho lacagta marykanka dahab ku miisaamo,

La soco

By: Khaddar Adam Aw Muuse

 

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...