Wasiir Cabdirarxamaan Guri-Barwaaqo Casharada Aynu Ka Baran Karno!

0
Thursday March 28, 2019 - 09:06:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cabdirarxamaan Guri-Barwaaqo Casharada Aynu Ka Baran Karno!

    Dad badan baa is odhan kara Maxamed qoraaladiisan dambe muxuu ugu difaacayaa Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo balse arintaa jawaabteedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan baa is odhan kara Maxamed qoraaladiisan dambe muxuu ugu difaacayaa Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo balse arintaa jawaabteedu waxay tahay caado ayey ii tahay in aan qoraal ku Taageero ama ku dhaliilo muwaadinkasta oo Dadkiisa waxtar u leh ama dhib ku haya taas waxaa aad ka helikartaa qoraalo hore oo aan kaga Hadley dad kale oo aan qaarna ku amaaney kaalintooda qaarna aan ku dhaliiley tusaale waxaa u soo qaadan kartaa qoraaladii aan ka sameeyey ee aan tilmaamey kaalintooda hormoodnimo sida:

·Maqaalkii aan ka qorey mudane Cabdisalaan Hereri 07/03/19.

·WARIYE,MACALIN, LA-HIGSADE DHINACA SAXAAFADA CASRIGA AH MUDANE CABDISALAAN HERERI.

·https://hogaanka.org/2019/03/07/wariyemacalinlagu-la-higsade-dhinaca-saxaafada-casriga-ah-mudane-cabdisalaan-hereri/

· Maqaalkii 23/11/23 ee ahaa boqor Raabi waan u yaxyaxay

·https://hogaanka.org/2018/11/23/boqor-raabi-waan-u-yaxyaxay/

· https://hogaanka.org/2018/11/03/xirsi-iyo-buugiisu-way-is-fasirayaan/

· https://hogaanka.org/2018/10/28/toloow-colaada-iyo-xumaha-jooja/

· https://hogaanka.org/2018/09/14/garxajis-iyo-jeegaan-dagaalka-nafsiga-ah-ee-af-ku-xoogsiga/

· https://hogaanka.org/2018/08/05/mayor-cawil-cilmi-cabdale2000-2002taariikhda-ayaa-xusidoonta/

· https://hogaanka.org/2018/07/10/prof-axmed-ismaciil-samater-aqoon-yahan-bisil/Kuwani waa tiro yar oo ka mida maqaalada aan ka qorey siyaasiin ,aqoon yahano ,odayaal kala duwan oo aan ku cabireyey sida aan kolba u arko aragtideyda wanaag iyo xumaan waxay mudan yihiin inaan ka sheego, mid walba waxa uu bulshada la wadaagay uun baan faalo ka bixinayey balse dan gaara oo aniga iigu jirtey ma jirto oo aan ahayn in aan tilmaamo waxay inoo qabteen uun cid guno igu siisayna ma jirto balse waxaa aan gudaniyey waajib aan si iskaa wax u qabso ah aan isku saarey in aan garashadeyda uga faa’iideyo waxaa kale oo jirey qoraalo badan oo aan ku sheegay waxay dadka u qabteen si kuwo aan ka qorey,Mudane Xaaji Cabdiraxmaan Xuseen (cabdiwarabe) Alle caafimaad sareecana ha siiyo ee, Ambassador Baashe Cawil iyo Ganacsade Xaaji Cabdi Baradho oo kaalintooda la wada og yahay.

Sidaa darteed qoraalkeygan aan diirada ku saarayo Mudane cabdiraxmaan Guribarwaaqo wuxuu la mid yahay uun tilmaamida qofka dalkiisa iyo xilkiisa si wadaniyad leh u gutey sidaa anigu aaminsan ahay.

Casharada aynu ka baran karo kartida iyo isku kalsoonida Aqooy yahan Cabdiraxmaan Guri barwaaqo waxaa ka mida:

1. Ma aha nin u jilicsan dacaayadaha aan xaqiiqda ku dhisnayn ee dad dano gaara ka lehi ku hayaan waa siyaasi bisil oo isku kalsoon waayo:

2. Bilowgii markii xilka wasiirnimo loo magacaabey waxaa uu dib u dhis iyo hagaajin dhinaca maamulka iyo mareyeynta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo hidaha Somaliland ku sameyey waxaa dagaal kala horyimi kooxo isku bahaystey dano gaara oo wasaarada wasiirkii yimaadaba sabaaxad lugaha iskaga marijirey weliba lagu tilmaami jirey dhidibada dhibta wasaarada haysata iney aas aas u yihiin . Tusaale qalabkii weriyayaashu ku shaqeyn jireen sida cameradihii,Computeradii ,qalabkii recordingka ee warwrarka iyo wareysiyada lagu soo duubi jirey wariye kastaaba wuxuu sheegay in uu isagu lee yahay oo uu soo iibsadey taasi waa xaqiijo jirta oo lawad og yahay in mushkiladaasi ka hortimi markii uu xilka la wareegeyey.

3. Markii ceeb loo waayey waxaa lagala hor yimi dagaal toosa oo buug uu qorey 6 sano ka hor ayaa lagu beegsadey waxaana si cad buugaasi u soo bandhigay nin ka mida shaqaalaha wasaarada oo ka baqayey in uu xilkiisa ku waayo ayaa hub ka dhigtey buugaasi .

Arimahasi oo dhami waxay ahaayeen kuwo caqabado adag ku ah qofkasta oo hawsha baaxadaas ah leh ay ka hortimaado.

Waxaynu ka baraney hadaba Mudane Cabdiraxmaan Guribarwaaqo: Cabdiraxmaan waxaynu ka baraney casharo ay ugu horeyso:

a) Wasiir Somaliland ah oo taariikhda u adkeysta dagaal dhinacyo badan ah oo aan reerkiisu u hadal oo intey saxaafada isa soo teegeen salaadiin iyo cid af qabiil ku difaaceysa oo leh maxaa wasiirkayga loo beegsanayaa anigu ma hayo taasi waxay ku tuseysaa biseyl siyaasadeed oo isku kalsooni qabyaalad ka madhan, waxaa aynu ogeyn in madaxdhaqameedyo magac reer ku hadlayaa ay TVyada ka soo muuqdeen iyaga oo Af reer ku hadlaya oo weliba reerka uu wasiirku ka soo jeedo ku eedeyna iney u tageen oo balamo kaga baxeen.

b) Wasiir Guribarwaaqo Weli ma hayo shir beeleed ama xaflad beelshiisa ah oo uu ka soo dhex muuqdey ama is buunbuunin istustus iwm. Waa shaqsi aminsan in uu yahay Wasiir Somaliland oo aan meesha odayaal iyo qaab qabiil midna ku iman balse aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqsi uu madaxweyne Muuse biixi ku xushey fulinayana siyaasada qaranka ee dhinaca warbaahinta iyo horumarinteeda.

c) Waxaa aad kale oo aad ka baran kartaa biseylka Mudane Cabdiraxmaan guri barwaaqo Sheekadan ugu dambeysey ee La inagu yidhi waa la xidhey oo musuqbaa loo xidhey ee beenta ah sida degen ee miyirka leh ee uu uga jawaabey ficilkaasi wuxuu yidhi :

"Halkan dad badan ayaa iga arkaya ilaa xalay waxbaa la werinayay, wax garad ciddi u sheegi mayso oo wuu arkayaa, qofkii maangaab ahna ciddi waxba u sheegi mayso.”

Mudane guribarwaaqo waa wasiir qaran hadii uu dembi lee yahayna waa la arki hadii aanu lahayna waynu ogaan balse ilaa hada waxaa xaqiiqo ah in aaney jirin wax lagu hayo oo aynu og nahay balse sidaa aanad u arkeynin odayaal reernimo u difaacaya ayaa kugu filan heerka kartidiisa iyo kolsoonida wasiir guribarwaaqo waana mid wax weyn ka bedeshay dadka Somaliland aragtida madaxdhaqameedka barbar yaacaya siyaasiinta qaranka sidaa darteed mudane cabdiraxmaan guri barwaaqo waa wasiir qaran ee maha caaqil reer ogow sida kuwa logu difaacayo reernimo isagu reer waa uu lee yahay iyo cuqaal balse waxaa la is dheer yahay fahanka dawladnimada iyo danta qaranka waxaynu kale oo aynu ka baran karnaa casharka ah ninkii qaranka xil u hayaa waa in loo arkaa nin qaran balse ma haboona in qaab reer lagu difaaco uGu dambey mudane cabdiraxmaan guri barwaaqo waa macalin ina kala tusey kala duwanan shaha siyaasada iyo reernimada.

waad mahadsantihiin dhamaantiin

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...