1.2 Milyan Oo Doolar Oo "Laaluush" Ah Ma Bixin Lahayd Si Aad Jaamacad Ugu Biirto?

0
Thursday March 28, 2019 - 07:37:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    1.2 Milyan Oo Doolar Oo "Laaluush" Ah Ma Bixin Lahayd Si Aad Jaamacad Ugu Biirto?

    Tobabare lagu magacaabo Meredith ayaa la tuhunsanyahay inuu qaatay 400,000 oo doolar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobabare lagu magacaabo Meredith ayaa la tuhunsanyahay inuu qaatay 400,000 oo doolar

si uu ardaygan oo aanan lahayn xirfadda ciyaaraha ugu daro kooxdiisa jaamacadda.

Jaamacadda ayaa boggeeda internet-ka ku shaacishay inaysan sheegi doonin magaca ardayga fadeexaddan lala xirriiriyey, balse jaamacadda ayaa arrinkan xaqiijisay maalintii Isniinta ahayd.

Jamaacadaha ay ka midka yihiin California, Stanford iyo Georgetown, ayaa sidoo kale la sheegay in arrimo la xirriira musuqmaasuq lagu soo eedeeyey.

Nidaamkan ayaa ardayda ka caawinaya inay been abuur ka sameeyaan imtixaanada lagu qaato ardayda, iyaga oo hela deeqo waxbarasho oo been abuur ah.

Mr Singer oo ahaa nin ka qaabilay ardaygan ayaa waxa uu waalidiinta dhalay ardayga ka qaatay lacag gaaraysa 1.2 milyan oo doolar.

Mr Meredith oo fadeexaddan kula jiray Mr Singer ayaa ardaygan u qaatay koox ciyaartoy ah oo ay jaamacadda ku tababarayeen.

Markii ardayga la qaatay sanadkii 2018-kii, Mr Meredith waxa uu Mr Singer ka qaatay lacag gaaraysa 400,000 oo doolar.

Sannadkii la soo dhaafay Mr Meredith waxaa gacanta ku dhigay booliska.

Waxaana lagu wadaa inuu maxkamadda ka soo hor muuqdo maalmaha soo socda ee isbuucan.

BBC.


Loading...
Loading...