Xildhibaano Ka Hadlay Socdaalkii Madaxweynuhu Uu Ku Tagay Addis Ababa

0
Monday February 25, 2019 - 12:28:40 in News by Super Admin
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Hadlay Socdaalkii Madaxweynuhu Uu Ku Tagay Addis Ababa

    Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, ayaa ka hadlay socdaalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa ku tageen magaalada Addis Ababa ee Itoobiya iyo kulankii ay la yeesheen Raysalwasaare Abiye Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, ayaa ka hadlay socdaalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa ku tageen magaalada Addis Ababa ee Itoobiya iyo kulankii ay la yeesheen Raysalwasaare Abiye Axmed.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdalle (Faarax-dheere), xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa waxay socdaalkaas Madaxweyne Biixi ee Addis Ababa ku tilmaameen mid muhiim u ahaa Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya socdaalka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya ayaa yidhi "Safarka uu Madaxweynuhu ku tagay dalka Itoobiya, wakhtigiisi ku soo beegmay, waxaanu kulanka labada dhinac dhexmaray ahaa mid aad muhiim ah, maxaa yeelay sida qiimaa leh Madaxweynaheena iyo Weftigii la socday, Raysal-wasaaraha Itoobiya u qaabilay, waxay muujinaysa, xidhiidhka faca weyn ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya,xidhiidhka labada dalna inuu intaas ka sii wanaagsanado ayaan rajaynayaa”.

Xildhibaan Faraax Maxamuud Cabdala (Faarax Dheere), oo isna yidhi "Inagu Somaliland haddii aynu nahay waxaynu nahay Wadan jira, oo ka mid ah Caalamka, si kasta oo aynaan Ictiraaf u haysana haddii ALLE idmo weynu heli doonaa, dabcan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuna wey wadaan dadaalkii Ictiraaf raadinta, martiqaadka uu Madaxweynuhu ka helay Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo socdaalkii uu ku tagayba umadda reer Somaliland aad iyo aad bay ugu faraxday, una soo dhaweeysay”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi "Guul taariikhiya ayuu ahaa socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu ku tagay dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya, runtiina si kal iyo laaba ah ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya u soo dhaweeyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigii la socday, arimo badan oo laba dal u dan ahna wey ka wada hadleen, Itoobiyana xidhiidh dhinacyo badan leh ayaa inaga dhexeeya”.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, Xildhibaan Faraax Maxamuud Cabdala (Faarax Dheere), iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo maalmaha soo socda ka dhici doona Magaalada Boorama, waxayna sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in Shirkaasi si fiican uu ku furmo, si fiicana uu u soo idlaado ama uu ku soo dhammaado.


Loading...
Loading...