Gabay Kuhaankii Weynaa Ee Xaaji Dalaayad:

0
Sunday December 29, 2019 - 08:44:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 4184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabay Kuhaankii Weynaa Ee Xaaji Dalaayad:

    Xaaji dalaayad wuxu ahaa nin ku caan baxay gabay awaadhka kiisa daran ee wax dila.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaji dalaayad wuxu ahaa nin ku caan baxay gabay awaadhka kiisa daran ee wax dila.

 

Nin Cabdalle la odhan jirey kana isiraa qabiilka Toljecle ee isaaq ayaa Xaaji Dallaayad kula kacay wax aan wanaagsanayn oo laga xumaado, Xaajigu wuxuu ninkaas u adeegsaday hubkii eebe weyne siiyey ee ahaa gabay kuhaanka wuxu eebe uga baryey in aanu awlaad uu dhalay abidkii aanay anficin, sidoo kale wuxu ku habaaray qoorka oo uu nabaro ku lahaa ayuu ilaahay uga baryey inu ka bireeyo oo bilaawe afaysan ka mariyo oo gawrac ugu jiido waa yaabe kana sidii kii hore oo kale ayey u dhacday waana karaamo eebe bixiyo wax lala yaabo’se maaha waa la arki jirey waayadii hore ee dad iyo dalba la caafimaadka qabay ee dadku wanaagsanaa hadaba xaajigu wuxu tixdu ninkaa ku awaadhayna waxa kamid ahaa:

·       Cabdalloow tus soo joogsadoon, tiixin baad tahaye

·       Toljeclaba waraystoo wuxuu, taray la soo waaye

·       Tagooggaaga wiilkaa ku jiriyo, kanad taxaabayso

·       Kuma tiirsho wiilaad dhashoo, taabba qaadihiye

·       Allihii tunkaa kaa kirkiray taana kaa mariye.

Ragga karaamada Xaajiga usoo dhacay waxa kamid ahaa  nin kale oo ay hayb ahaan xaaji dalaayad is xigeen isku raasna ay ahaayeen kaas oo la odhan jirey xaaji Gaballoos.

Xaaji Gaballoos wuxu ahaa nin sheekh ah oo cilmiga diinta baac dheer laga siiyey waxa gabaloos intaa u dheeraa wuxu ahaa aftahan geed joog ah oo hadal aqoon ah, xaaji dalaayad iyo gabaloos waxa dhex martay sil-silad suugaan ah oo in badan ay iskaga hal-celiyeen, sil-siladaas waxa la sheegay inay bilaabantay waqti uu xaaji dalaayad jabuuti ugu tegay niman ay isku reer ahaayeen oo xaaji gabaloos kamid ahaa.

Wax laysku qabtayba mudo ayey socotay sil-siladii u dhaxaysay labada xaaji, dalaayad ayaa u mariyey gabaloos tix gabay ah oo uu digniin kama dambays ah uga dhigay xaaji gabaloos taas oo ku sheeganayo tuf iyo karaamo in eebe

weyne ku shubay wuxu ku yidhi xaaji dalaayad:

·       Tukri waayo jirey baan ahaan tin u madoobayne,

·       Toddobaatan waxa iiga dhiman tiro an fiicnayne,

·       TUfta iyo karamaada horaad igu tiqiinniine.

Xaaji Gaballoos oo gabaygii Dallaayad dheel-dheel iyo dhalanteed afka baarkiis ah isaga qaatay ayaa gabaygaas ka hal celiyey isagoo weliba weerar qaawan u geystey Xaaji Dallaayad, isagoo sheegaya in karaamada uu sheegayno xaaji dalaayad  ay waxba kama jiraan tahay waxaanu yidhi gabaloos:

·       Toddobaatan buu jirey oo weliba taarik ku ahaaye

·       Tufta iyo karaamada xaggee lagaga soo tuuray.

Xaaji Dallaayad ayaa ku rideeyey gantaalihiisii karaamada guhaanka xaaji gabaloos meerisyada hore ee gabayga ayuu ku maagay gabaloos inaanu sheekhna ahayne ee uu ismooday isagoo ku masaalay qiil daciifle, wuxu dalaayad tusaale u soo qaatay ragii dunidan soo maray ee kibray sida fircoon, kancaan, iyo halkii halaagoodu ku biyo shubtay.

Xaaji dalaayad wuxu soo sheegayaa rag badan oo isagu karaamadiisa u dhintay kuwaas oo god aakhiro u hoyday ciidana buuxiyey sida kuwaas oo kale ayaad u dhiman ayuu u sheegay isagoo meeriska u dambeeya ku cadeeyey inu qaniinyo u dhiman doono dhaxamaha jiilka ee galay waxaanu ku yidhi xaaji dalaayad:

·       Nin haddii uusan qaaluu aqoon, qaari'se is moodo

·       Qusur labiyo toban baac ah, buu qoorta geliyaaye

·       Waa wixii Fircoon lagu qarraqay, qiil daciifihiye

·       Qawdii ka yeedhay Kancaan, dhiruhu qaysheene

·       Qasif iyo halaag bay muteen, qoonki taabacaye

·       Qaalifu sunniyo waxa ku dhacay, qadab ilaahaye

·       Mar haddii Quraankiyo naxwaha, laga qisoonaayo

·       Qudbi baxara lama doodi karo, qalin-ku-duurruuye

·       Anna qawska gabaygaan ahoo,layma qaabilo'e

·       Qoolbuu daf yidhi Xaajigii, Caliyo Quullow'e

·       Qaddarkaan cagaha ugu ridiyo, dabinka qoolaaban

·       Caawaba hadduu qaari yahay, hayska soo qodo'e

·       Qaadka iyo fooxii beryahan, kuma qalaawayne

·       Sidii qaaddigii loo qabtee, loo qar dhigay iilka

·       Qabuuraha sidii loogu guray, qaar an garanaayo

·       Qaniinyooyinkaygii horaa, qaar u soo dhacaye

·       Isaguna qandhada wuxu u dhiman, qabawga Jiilaale.

sida runtiiya xaaji dalaayad gabay kuhaanka iyo karaamada lama sheegin cid kaga horeysay soomali inta taariikh lagu wariyo waana galad iyo deeq eebe weyne siiyo dadka u gaar ah.


Xaaji Dallaayad wuxu ahaa murti dhaari suugaanyahan ah oo tirinteeda si gaara loogu xudumay, suugaantiisa oo daf iyo muush ay ka yihiin aftahamo dheeraad ah ayaa waxay suuugaan iskaga hal-celiyeen rag waaweyn oo suugaanta soomalida magac dheer ku yeeshay, sida cabdi warsame baanje(cabdi gahayr) oo ay mar isjiidheen xaaji dalaayad.

Waqti waqtiyada kamid ah ayaa waxa is laayey geeljire garxajis ah oo ciidagale iyo isaxaaq kala ah Gabayaagii Cabdi Gahayr ee Ciidagale ayaa ka gabyey dhaawacyo ay isu geysteen arintaas ayaa waxa soo faragaliyey gumaystihii ingiriis waxaanu xareeyey qaar kamid ah geelashii ciidagale dabadeed cabdi gahayr ayaa arintaa ka cadhooday aadna ay u dhibtay dabadeed wuu gabyey waxaanu u goodiyey qoladaa isaxaaq waxaanu yidhi:

·       Nimankaa Bancawl iyo fadhiya, Beeratiyo looya

·       Habar Yoonisbaa bari ka iman, haw biniixina'e

·       Baqtigiinna ooy daydayaan, beri fog mooyaane

·       Bilaash weeye Muusa Cabdallaa, baashan soo degaye

·       Been bay idiin sheegayaan, nimanka beereede

·       Abtiyaal burkiinnaa cunoo, baaniso la'aada

·       Haddii kale bishaa Soonfureed, qiiqa baxa eega.

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish) 

Cigaal1212HYPERLINK "mailto:[email protected]"@Gmail.Com              0634240189

Loading...
Loading...