Waxa Socdaa waa Dulmi'ye, Dumuqraadiyad, Xaal qaado!
Waxa
ayaan daro ah in Xukuumaddii Jamhuuriyada Somaliland ay caadaysatay
xadhigga madaxda Xisbiyada qaran, oo waa tii hore sifooyinka sharciga
baal marsan mandheera u dhaadhicisay hoghaye Khadar Xuseen, afhayeen
Barkhad Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Qaran ee
Waddani, tan maanta Ramaaxna waxay la halmaashaa uun xadhiggaa
siyaasadaysnaa ee lagula kacay madaxdaa Waddani, se haddii aan laga
dhiidhiyin caddaalad darada, gafka, tacadiga, xadhigga iyo bahdilaada
masuuliyiinta axsaabta qaran ee Xukuumadu caadaysatay, waxa beri
xigidoonta in Gudoomiyaasha Xisbiyada qaran iyana latarxiilo, waayo waxa
dalkii ka socda caddaalad daro, dulmi iyo tacadi baahsan, iyo siddii
Faqashtii in muwaadiniinta guryahooda habeen badhka loogu daato oo
gogosha lagala baxo oo anfariir iyo argagax la galiyo ubadkii iyo
caruurtii Dalka una dheertahay bahdilaad iyo wax anshaxa iyo
islaam-nimada baal marsan in ubadkii waalidkood oo mudh iyo gacan ah
lagu hor jabbeeneeyo, Runtii waxay ku xusuusunaysaa maalmihii madoobaa
ee murugada lahaa ee lasoo maray, wakhti uu dalka kursiga ku hantay
Madaxweyne Muuse Biixi in uu Mujaahid ka dhiidhiyey dhibtaa yahay,
Siddoo kale waxa ayaan daro in ciidamadii sidda gaarka ah loogu
tababaray Somaliland ee RRU-dii ahayd inay Shacabka argagixisada iyo
kooxaha xadjirka ah ka difaacdo in loo adeegsaday hab siyaasadeed iyo
cabsi gelin mushtamaca muwaadiniinta ah lagu baqo geliyo oo lagu
amarkutaagleeyo, laguna argagax geliyo shacabkii argagixisada inay
iskaga deyraan ahayd.
Sikastaba
ha ahaatee haddii siddii sharcigu ahaa muwaadiniintii loo marinahayn oo
ruuxii yidhaa aflagaado ayaa ruux kale ii geytay ee ii xidha loo
xidhaayo Dalka Dumuqraadiyad kama jirto, Siddoo kale ruuxa geysta
faldanbiyeedka xun ama in uu baxsado laga baqaayo ayaa jeelka lagu hayaa
intay maxkamadi xukumayso, sidda laajigeed in uu ku andacoodo masuulka
ka hadlay xadhigga xoghaye Ramaax ee leh kiiskii waanu baadhnay weyna ku
caddaatay siddaas baanu juwanka soo qabadkiisa ugu jarnay, waa wax lagu
qoslo Runtii in masuul sharci dhowre ahi, uu siddaa u hadlo may ahayn
iyo in ruux eeda lagu soo oogay aan ka falcelin la yidhaa kiisku waa ku
cadyey waa qalad, waayo ruuxna danbiile maaha ilaa maxkamadi qirto
mooyee, Siddoo kale waxa wooranka loo jaraan ruuxa laga cawdo ee lala
xidhiidho ee soo jawaab celin waaya ama saldhiga looga yeedho ee iman
waaya.
Hadal iyo dhamaan Somaliland waa Waddan dumuqraadi ah baynu dunida ka gadaynay oo ictiraaf ku goobaynay, se waxa Dalka ka Socdaa waa Dulmi iyo sharci dumis ee Dumuqraadiyaday Xaal Qaado.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!