Dhalinyarada Gobolka Hawd Oo Shaaciyey Shir Ay Iskugu Imanayaan Iyo Qorshaha Ay Damacsan Yihiin
Baligubadle(HWN):-Dhalinyarada gobolka Hawd ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dhaq dhaqaaqyo ay ku abaabulayaan shirweyne ay iskugu yimaadaan.
Dhalinyaradan oo ku sugan magaalada Balligubadle ayaa maalmihii ugu dambeeyey soo gaba gabeeyey qorshe ay doonayaan inay iskugu yimaadaan dhalinyarada ku dhaqan guud ahaan deegaanada kala duwan ee gobolka Hawd.
Guddida qaban qaabada shirweynaha dhalinyarada gobolka Hawd ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in horaanta bisha koowaad ee sanadka cusub 2020 ay magaalada Baligubadle ku qaban doonaan shirweynaha dhalinyarada.
Guddida qaban qaabada shirweynaha dhalinyarada gobolka Hawd ayaan shaacin ajandaha lagaga hadli doono shirweynaha dhalinyarada, balse wararka ayaa laga helayo aya sheegaya in lagu falanqaynayo qorshe weyn oo ay doonayaan inay kula xisaabtamaan dawlada Muuse Biixi oo guud ahaanba u muuqata inay ka maaarantay gobolka Hawd isla markaana aan ugu maqnayn wax mashaariic horumarineed ah.
Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Dhalinyarada Gobolka Hawd Ayaa Kala Ah.
1.Cabdale Maxamed Yuusuf
2.Shabcaan Cabdi Muxumed
3.Cabdicasiis Ismaaciil Jaamac
4.Bashiir Cabdi Gubadle
5.Naasir Haaruun Haybe
6.Ridwaan Axmed Muxumed
7.Aadan Cabdi Xasan
8.Cabdirixiin Cabdilaahi Yuusuf
9.Yuusuf Maxamed Cali
10.Xasan Gahayr Gaabane Faarax Nuur
11.Khadar Cali Xasan