Waxgaradka Beesha Ciise Muuse Oo U Hanjabay Muuse Biixi, Mudo-na U Qabtay Xoriyada Ramaax

0
Saturday December 28, 2019 - 19:48:43 in News by
  • Visits: 6668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka Beesha Ciise Muuse Oo U Hanjabay Muuse Biixi, Mudo-na U Qabtay Xoriyada Ramaax

    Waxgaradka Beesha Ciise Muuse Oo U Hanjabay Muuse Biixi, Mudo-na U Qabtay Xoriyada Ramaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka Beesha Ciise Muuse Oo U Hanjabay Muuse Biixi, Mudo-na U Qabtay Xoriyada Ramaax


Hargeysa(HWN):-Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise Muuse ee gobolka Saaxil ayaa shir ka yeeshay xadhiga uu MuuseBiixi kula kacay xoghayihii arimaha gudaha ee xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Natiijada sawirka muuse biixi oo cadhaysan


Warar Hadhwanaagnews soo gaadhaya ayaa sheegaya in Waxgaradka Beeshan oo shir xasaasi ah ka yeeshay xadhiga xoghaye Ramaax ay isla garteen qodobo ay sheegeen inay sharci daro ka dhigayaan xadhiga Ramaax.


Waxgaradka beesha xoghaye Ramaax ayaa shirka ay yeesheen si cadho leh ugaga dooday in dawladu ay wax talaabo ah ka qaadi waydo ninka dilka ugu hanjabay Ramaax ee ay walaalaha yihiin Muuse Biixi isla markaana Ramaax lagu xidho hadal hore uga soo yeedhay oo ku saabsanaa eedaymo uu u jeediyey gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.


Waxgaradka beesha Ramaax ayaa isla gartay inaanay sharci ahayn in Ramaax lagu eedeeyo isla markaana lagu xidho dhawaaqii uu ku sheegay in gudoomiyaha Baaarlamaanka somaliland Baashe Maxamed Faarax uu xidhiidh la leeyahay xubno ka tirsan dawlada soomaaliya, waxaanay isku waafaqeen in hadalkaasi aanu noqon Karin mid xadhig lagu mutaysto.


Waxbaradka beesha uu ka soo jeedo xoghaye Ramaax ayaa sidoo kale isla meel dhigay in haddii cid lagu xidhayo dhawaaqyo noocaas ah, xabsiga la dhigi lahaa Muuse Biixi oo wakhtigii ololaha doorashadii madaxtooyada fagaarayaasha kaga khudbadeeyey in masuuliyiinta xisbiga Waddani ay xidhiidh la leeyihiin dawlada federaalka ah ee soomaaliya taas oo si cad u beenowday.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in waxgaradka beesha Xoghaye Ramaax ay xukuumada u qabteen mudo kooban oo ay ku dalbadeen in xoriyadiisa loogu soo celiyo xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Ucid, isla markaana ciidanka amaanku ay talaabo ka qaadaan ninka dilka ugu hanjabay ee ay walaalaha yihiin hogaamiye Muuse Biixi, waxaanay ku hanjabeen oo ay isla garteen inay qaadaan talaabo ka dhan ah Muuse iyo xukuumadiisa hadii uu dhagaha ka furaysto dalabkooda.


Qodobada ay isla qaateen waxgaradka beesha xoghaye Ramaax ayey wararku sheegayaan inay dhawaan gaadhsiin doonaan Muuse Biixi, waxaan la dhawrayaa jawaabta ay ka helaan.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...