QOOM ROGMADAY!!Waxaa qoray: Ustaad Guuleed Casoowe

0
Friday December 27, 2019 - 23:27:34 in Articles by
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    QOOM ROGMADAY!!Waxaa qoray: Ustaad Guuleed Casoowe

    QOOM ROGMADAY!!Waxaa qoray: Ustaad Guuleed Casoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QOOM ROGMADAY!!Waxaa qoray: Ustaad Guuleed Casoowe


Saacadu waa 8dii subaxnimo. Goobtu waa tuulo yar oo ku taala miyiga degaanka Soomaalida. Waxay ka kooban tahay dhawr aqal Soomaali iyo Balbalo wayn oo shiraac buluuga oo astaantii UN ku taalo. Wax dhaqdhaqaaq ah oo ka ahayn sawaxanka idaacada FM ah iyo codka shimbiraha ma jirto. Waxaa hugun aad moodo kulan xer isugu timid uu ka baxayaa balbalada wayn. Kolkaan u yara dhawaanay ayan aragnay in docda balbalada uu ku yaalo dakad sare u dhisan oo nin uu ku fadhiyo iyadoo docda ka soo hor jeedana ay gabadh gashaanti ah shaah ku karinayso.. Gudaha waxaa si meegaar ah u fadhiya ku dhawaad laba darsin oo rag ah oo isugu jira odayaal, gadh cade iyo gaashaan qaadba. Dhamaantood waxay ku jiraan xaalad mirqaan oo waxay afka ku hayaan caleenta geedka qaadka.




Wxaanu waydiinay maadaama ay aroor hore tahay sababta ay xiligan u qayilayaan iyo sida ay u helaan. Waxaa naloo sheegay in jaadku iska soo daba dhaco. "Jabanaha wuxuu na soo gaadhaa 7da subaxnimaba, gaadhiga danbana barqinkii wuu na haya kaas ayaan kii galabta oo 1da ama 2da imanaya aan ku sugnaa. Hadhoow casar gaabadkana G3 ayaa noo soo dhaca" ayuu yidhi Fure Xayd oo dadiisu ilaa 50meeyo tahay.


Su'aasha iigu darnayd ee i gubaysay ayaa ahayd halkee dadkani lacagta ka keenaan ay maalintii oo idl jaad mina subaxdii ilaa habeenkii ay ku ruugayaan. "Oo ma jaadbaa la waayaa" ayuu noogu jawaabay Cumar Qayd oo daankiisu buuxo moodaysana inuu dilaaci rabo "Waa nalagu qoraa oo waanu iska guranaa ilaa inta xisaabtu naga buuxsamayso" ayuu hadalka noogu sii daray.


maadaama aanan fahmin sida dadkan reer miyiga ah wax loogu qorayo ayaan sii waydiiyay ninkii docda hore fadhiyay ee kolayga jaadka ah dul dakaynayay. "Alla hawshu waa fudayd ee sideed u fahmi wayday?" ayuu igu yidhi. "Qaadka waanu siinaa ka subaxa markuu qofku qaato waan ku qornaa, shaaha uu cabana waanu ku qornaa ilaa ka galabta kolkuu ku ceshceshadana waanu ku qornaa".


"Haye inaas fahmaye kadib halkuu ka bixin ileen qofkan dawlad uma shaqeeyee, bankiyana ma lahe?" ayaan sii su'aalay.


"Kolkuu xisaabtu is gaadho ayaanu kaga xidhnaa neef adhi ah" ayuu si fudud iigu sheegay. Isagoo ii sii faahfaahinaya ayuu iga jaahil tiray in qofka jaadka iyo shaaha uu wadi wadi uun oo kolka xisaabtiisu gaadho in neef adhi ah goyso laga joojin ilaa uu neefkii adhiga ahaa keeno.


Hadaba si aan u ogaado qiimaha neefka ayaan waydiiyay neef intee le'eg ayaad ka qaataan, waxaana isagoon is dhibayn uu iigu jawaabay "Neef da'diisu tahay 'aabaa qaatay'".


Waan yaabay ileen waligey waxaan aqaanay in neefka tirada sannada ama gu'ga loogu xisaabiyo ee wali ma aanan maqal neef da'diisa lagu sheego odhaah sida "aabaa qaatay".


Waxaan dabagalay sida odhaahdani ku timid waxaana ugu danbayntii la ii sheegay inay ku baxday in caruurta oo adhiga la joogta uu odaygu intuu u yimaado orgiga ugu fiican ama wanka ugu shilis uu xoolaha daaqayo kala dhex baxo oo uu iskala tago. Hooyadii guriga joogtay ayaa xiliga xooluhu soo hoydaan kolka ay tiriso oo ay ka waydo neefkii oo ay caruurta waydiiso "Hooyo Dhudiyeey maanta ma neef bay dacawo kaa cuntay?" ayay ilmihii ugu jawaabi "Maya hooyo ee AABAA QAATAY".


Burburka bulshada waxaa laf dhabar u ah shurkadaha dhiig miiradka ee jaadka ka ganacsatada oo sii baabi'inaya noloshii miyiga. balaayiin dolar ayaa sannad walba laga soo nuuga nolosha cidhiidhaga ee Miyiga. Xoolihii la dhoofin lahaa ee dhaqaalaha lagu dhisi lahaa waxaa uu haatan galay beeraha jaadka in lagu maalgaliyo.


Waxaa qoray: Ustaad Guuleed Casoowe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...